Jaaliyada Maakhir ee Dalka Mareykanka oo maanta Dooratey Gudiga Xiriirka iyo Dhaqaalaha
Minnesota:- Shirar si isdaba joog ah maalmahaan ugu socday jaaliyada Maakhir ee Woqooyiga Amerika ayaa waxaa maanta la isku af-gartey in lasameeyo gudi si toos ah ugu xiran madaxda Maakhir State. Shirarkan oo ka dhacay qadka satellite-phone ka loo yaqaano ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqoolaal qof oo goobtaas uga dooday hab xiriirka mandaqada Maakhir iyo Jaaliyada qurbaha.
Gudigan ayaa waxay howshiisa noqondoontaa isku xirida jaaliyadaha Mareykanka iyo Maakhir State. Sidoo kale gudigan aya wuxuu qaabilsanyahay dhaqaalaha sanduuqa qurba-joogta ee Mareykanka isla markaana tixraaci doona hab u socodka maamulka dhawaan curadka ah ee Maakhir State.
Gobolada dadka ugu badan ee kasoo qeyb galay shirkan ayaa waxaa kamid ahaa: Minnesota, Ohio, Arizona, Georgia, Kansas, Tennessee, Seattle, iyo California.
Gudiga ladoortey ayaa waxaa uu ka koobanyahay 10 xubnood:
Abdirisaaq Ali Boos
Abdi-Fitaax Xuseen Dheere
Maxamed Waraabe
Ibraahin Karsay
Cumar Ducaale Ali Qayib
Rashid Cali Garaad
Cali Cashuur
Sahal Indha-Caad
Xassan Xaaji Maxamed
Cabdulaahi Cawad
Cawaale Axmed Salmaan
Gudigan ayaa wuxuu si toos ah u howl gali doonaa kowda bisha September ee nagu soo fool leh. Waxay kaloo gudigu ku baaqey shir todobaadka soo socda ku qabsoomi doona magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota
Waxaad kala xiriiri kartaa emailka
sugulle85@yahoo.com