Maxaa ka soo bixi kara shirka beelaha kablalax iyo Sade oo dhawaan la qabanayo? 08/31/2007.
Muqdisho,Soomaaliya
Kadib markii la soo afmeeray shirkii dib u hishiisiinta qaran ee magaalada Mogadishu ayaa haddana waxaa jira kulano aan caadi aheyn oo si gooni gooni ah ay u kulmayaan beelaha soomaaliyeed sida Beelaha Kablalax iyo Sade oo aad moodi inuu ka dhaxeeyo xarig joogsi gaara oo salka ku heysa gacan ku heynta magaalada xeebta Kismaayo,oo mudooyinkan danbe wax laga weydiiyo Beesha Sade kadib markii ay xoog ay ku muquunsheyn maamulkii ay dowladda faderalka Soomaaliya ay gobolkaasi u soo magacawdey afar Bilood ka hor.
Shirkan ay beelahan ku kulmi doonaan magaalada Mogadishu ayaa la filayaa in laga wada hadlo sidii loo afjari lahaa khilaafaadka labada beelood ee ku aadan Gobolada Jubbooyinka iyo dabcan in ay kulankaasi ka soo saaraan baaq ay ku taageerayaan go'aanadii ka soo baxay shirkii dib u hishiisiinta qaran ee maantey lagu soo gabo gabeeyey magaallo madaxda dalka Soomaaliya ee Mogadishu.
By webmaster@codkawamo.com