PaidMonk, Help us we will help you, I will send to Garowe Tomorrow Inshallah
Ka qayb qaado dhismaha masjidka cusub ee Ismaaciil, LaasCanood
Waxaa dhawaan laga bilaabay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool dhismaha Masjid cusub oo loogu magacaabo Masjid Ismaaciil, kaasi oo haatan hawshiisi ay ka socoto Barxadda Ceelka Cali Barre ee badhtamaha malaagada Laascaanood.
Masaajidkan oo laga dhisayo goob muhiim ah, ayaa waxaa maalgaliyey oo dhaqaalaha ku baxaya inta badan bixiyey Saleebaan Cali Barre,isla markaana u hibeeyey dhulkaas in uu noqdo Masjid.
Masjidkan ayaa noqon doona masjidka ugu weyn magaalada Laascaanood,isaga oo noqon doona dhowr dabaq.
Hadaba waxaa laga codsanayaa dhamaan umada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan inay ka qayb qaataan dhismaha masjidkaas oo ay la xidhiidhaan uu horeyn Shiikh Saleebaan Cali Barre, Shiikh C/casiis Garaad Jaamac iyo Eng. Mukhtaar Xaaji Abshir.
masjidka ayaa hada hawshiisu si xawliya uga socotaa magaalada Laascaanood,waxaana Masjidku laga dhisayaa meesha loo yaqaan Ceelka Cali Barre,oo ah meel caan ah,isla markaana ah badhtamaha magaalada.
Hadaba hadii aad rabto inaad ka qayb qaadato dhismaha masaajidkaas Waxaad kala xidhidhi kartaa Emailkan
masjidismaaciil@yahoo.com.
wixii dhaqaale ahna waxaan ku soo hagaajin kartaan Xawaaladda Amal Laascaanood.
Hassan Dirie Jama.
Contact:Info@afnugaal.com.
Or
xassand2000@yahoo.com 
^ Only Xawalada Amal WTF?
