3/9/07- (Beledweyne); Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Midka Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka ayaa maanta ka qaybgalay Munaasibad lagu dhisay ciidan hubeysan oo loo baxshay Daraawiishta Gobolka Hiiraan.
Ciidankan uu dhisay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa waxaaa laga kala keenay inta badan beelaha dega Gobolka Hiraan, waxaana loogu talogalay in ay wax ka qabtaan ammaanka sii xumaanaya ee degmooyinka Hiiraan.
Sida uu sheegay Yuusuf Dabageed, Ciidamada Daraawishta oo ah maleeshiyadii hore, waxaa ay qabanayaan Hawlaha aysan qaban karin Booliiska da’da noqday, maaddaama xaaladda Soomaaliya ay isbedeshay.
Gobolka Hiiraan waxaa ka dhaca falal lagu dhaco gaadiidka, islamarkaana ay maleeshiyo hubaysani r ku dilaan dadka rakaabka ah ee ku safra waddooyinka Gobolkaas ee u socda Gobolka kale ama degmooyinka Hiiraan.
Weriyeyaasha ku sugan Hiiraan waxaa ay leeyihiin dhismaha Ciidamadaan oo kale oo aan laga aqoon Gobolkaas, waxaa ay muujinaysay sida uu Guddoomiyaha cusub u doonayo in uu dhisto cudud Ciidan oo uu isaga difaaco inta badan Beelaha Gobolka Hiiraan oo diiday dhismaha Maamulka uu hoggaaminayo oo lagu magacaabay wareegto uu soo saaray Madaxweynaha, laguna kala diray maamulkii uu Magacaabay Wasiirka Koowad.





