Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

the days of the so called TFG are numbered..

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
xaseey
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 694
Joined: Sun Dec 14, 2003 7:00 pm

the days of the so called TFG are numbered..

Postby xaseey » Thu Sep 06, 2007 8:57 am

http://somaaljecel.com/SjDynews/LatestD ... =406&page=

Shalay Muqdisho maxaa ka dhacay…..?

{Somaaljecel News Network} Muqdisho:- Shalay Arbacadii oo taariikhdu ahayd 5-ta bisha Agosto sanadka 2007 ayaa wacdaro iyo layaab aan muddooyinkan dambe lagu arkin caasimadda Muqdisho waxa ay ka dhacday Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo shalay ahayd goob ay ku hardameen ciidamada dowladda KMG iyo kooxaha ka soo horjeeda.

Tan iyo intii ay gacan ku heynta magaalada Muqdisho la wareegtay dowladda KMG ma dhicin, lamana arkin kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG oo dharaar cad iyagoo hubkooda iyo udbahooda sita ka dhex dagaalamaya faras magaalaha magaalada Muqdisho, waxaana mar qura xaafadaha Muqdisho laga maqlay “ALLAAHU AKBAR”.

Afarta Jiho ee magaalada Muqdisho ayay mar qura ka soo kala yaaceen kooxo aad u hubeysan oo hubkooda iyo rasaastoodu ay u idishahay kuna soo talo galay dagaal is difaacid iyo badbaadin nin saaxiibkood ahaa oo ciidamada dowladdu ay doonayeen inay gurigiisa kala baxaan.

Mar qura ayay isgaarsiintu shaqeysay, meel kasta oo ay kooxahaasi Muqdisho ugu kala sugnaayeen ayay ka soo kicitimeen iyadoo laga yaabay cidda diyaarka kawada dhigtay oo markii seeriga isgaarsiinta uu gaarayba daqiiqado gudahood ku soo gaaray goobtii saaxiibkood lagu harreereeyay oo ahayd hoygiisa oo ku yaala suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho agagaarka Boosteeda Bakaaraha ee laga raro Basaska Dadweynaha ee degaanka Gubta ka shaqeeya, markiiba ciidamadii guriga saaxiibkood ku hareereysnaa ayay kor ka sii hareereeyeen, Koox kale oo hubeysan oo aan tiro badnayn oo gudaha guriga ku jirtay ayaa iyagana rasaas ku soo rideysay ciidamada dowladda oo sii difaacaysay Sheekha ciidamadu ay doonayeen in ay guriga kala baxaan, mar qura ayay rasaastii is qabsatay ciidamadii dowladda “O” ayay galeen oo horey iyo gadaal ayay rasaas looga soo riday, Kabtey ma aragtay ayaana ka dhacday oo askari meel lagu sheegaa waa la waayay xitaa meydkooda iyo dhaawacyadooda way ka kala carareen.

Kooxihii hubeysnaa ee sida bareerka ah dagaalka difaacidda Saaxiibkood ah ciidamada ugu soo qaaday si fudud ayay Sheekhii ay badbaadsanayeen ula bexeen lana beegsadeen goobihii ay ka soo howl galeen oo cid garan kartaa aysan jirin.

Ciidamadii dowladda ee laga itaal roonaaday meel ay jaan iyo cirib dhigeen ayaa la waayay, kooxihii hubeysnaa iyagoo hubkooda garwaaxeedsan ayay gaaf wareegayeen nawaaxiga suuqa bakaaraha iyo qeybo ka mid ah duleedka suuqa oo ay difaac kaga jireen, kadibna goobahoodii si xor ah isaga laabteen.

Ciidamadii dowladda markii qaddar daqiiqado ah ay sii maqan yihiin kooxihii hubeysnaa ayay iyagii iyo kuwo kale oo lagu soo kordhiyey goobtii dagaalku ku qabsaday yimaadeen, gurigii Sheekha oo cidlo ah inta galeen ayay baaris ku sameeyeen, kadibna la sheegay in xanaaq dartii ay dab u qabadsiiyeen isagana tageen.

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa saacad iyo bar kadib goobtii yimid mar xeero iyo fandhaal kala dheceen oo kooxihii dowladda ka soo horjeeda ay nasiinno iyo damaashad ku jiraan, baaritaan ayayna xaafadaha ku dhow dhow suuqa ka sameeyeen ciidamadii Itoobiyaanka iyo kuwa dowladda KMG oo wada jira.

Waxaa arrin layaab leh noqotay in maalin cad oo awoodda Muqdisho ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG in kooxaha dowladda ka soo horjeeda iyagoo hubabkoodii iyo booshadahoodii wata ay weerar aan gabasho iyo gaadmo ahayn ku soo qaadaan ciidamada dowladda, kadibna si xor xaafadaha Muqdisho u dhex maraan iyadiyoo weliba dalka ay joogaan ciidamada sida aadka ah u hubeysan ee Itoobiya oo garab siiya ciidamada dowladda KMG, kooxahaasoo aan ciidamada Itoobiyaanka xitaa ka baqin.

Tani waxay rajo tirtay dowladda KMG Soomaaliya, waxayna soo celisay hamigii dadka Muqdisho ee Maxkamadaha islaamiga taageersan, iyadoo inta badan dadka Muqdisho ay dhibsadeen ciidamada dowladda oo aan wax arxan ah u samayneynin shacabka, taasoo keentay in kooxihii shalay taageero sacab tumis ah lagu soo dhaweeyay

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 72 guests