Shirweynaha Xoreynta iyo Dib u soo nooleynta Soomaaliya oo si toos ah uga soconaya Magaalada Asmara ee Xarunta Wadanka Eritrea.
Asmara,06,September-07 (Qaadisiya.com) Shirweynihii la sugayay in muddo ah oo looga shaqeynayay sidii looxureyn lahaa Dalka Soomaaliya ayaa Maanta Saacadda Asmara marka aytahay 10:00am si toos ah uga bilowday Magaalada Asmara.
Shirka ayaa waxaa iminka kusugan safiiro iyo mas'uuliyiin sar sare oo kasocda dowladaha Carabta iyo kuwa Dariska la ah Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa kazoo horjeeda Gumeysiga lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed.
Shirka ayaa ugu horeyn lagu furay Aayado QUr'aan ah sida Caadada u ah Soomaaliya oo ah 100% Muslimiin, waxaana ku xigsaday Wacdi ay soo jeedinayeen Qaar kamid ah Culumaa'udiinka Soomaaliyeed ee kasoo qeybgashay Shirka Dibuheshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa ka hadlay Shirka oo dadkii ugu horeeyay kamid ahaa Dr.Cumar Iimaan Abuubakar oo ahaa Mas'uulka ugu sareeya ee Guddiga Qaban qaabada Shirka Dib loogu xureynayo Dalka Soomaaliya.
Dr.Cumar Iimaan ayaa sheegay kana sheegay shirka in Soomaaliya ay kujirto Gumeysi isla markaana loo bahan yahay sidii looga xureyn lahaa Dalka Soomaaliya Cadowga Mudada u soo birtumanayay.
Dr.Cumar ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin cid ay ka qarsoon tahay shirka Maanta ka Furmay Magaalada Asmara ujeedadiisa waana sidii lagu xureyn lahaa Dalka Soomaaliya oo Gaalo Cadow soo jireen ah ay kusoo duuleen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dhibaatada ku dhacday Soomaaliya in ay tahay fursad laga helay Soomaalida, waxaana hormuud u ah sida Dr.Cumar iimaan uu sheegay Dabo dhilifyada Tikreega u shaqeeya ee Dowladda Federaalka loogu yeero.
Shirka oo weli sii soconaya ayaa waxaa kamid ah Mas'uuliyiinta kasoo qeybgashay Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed Sh.Xasan Daahir Aweys, Guddoomiye kuxigeenkii Guddiga Fulinta Golaha Maxaakimta Sheekh C /raxmaan Maxamuud Faarax (Janaqow), Macallin Xaashi Maxamed Faarax, Sh.Axmed C/llaahi Fanax, Sheekh Axmed Qare iyo mas'uuliyiin kale oo aad u fara badan, dhanka baarlamaanka xorta ahina waxaa uga qeybgalaya shirka Guddoomiyaha Baarlamaanka Xorta ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid, Dhowaan waxaan idin soo gudbin doonnaa sawirada iyo mas'uuliyiintii kale ee meesha ka hadashay iyo guud ahaan sawiradii manta inshaa allaah, waxaana idin suurageliyay xafiiska KMG ah ee Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya ee Asmara.
http://www.qaadisiya.com/2007/Seprember ... _20071.htmPictures of the conference:
http://www.qaadisiya.com/2007/Seprember ... smara4.jpghttp://www.qaadisiya.com/2007/Seprember ... smara3.jpghttp://www.qaadisiya.com/2007/Seprember ... smara2.jpg