Ciidamada Xoreynta Waamo oo ku tilmaamey wakhti dhumis shirka Beelaha Kablalax Iyo Sade 09/07/2007
Kismaayo,Soomaaliya
Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Xoreynta Waamo(Waamo Liberation Army) oo horey loo yiqiin (Janjawiil) ayaa ku tilmaamey inuu yahay wakhti dhumis shirka hadda laga abaabulay magaalada Mogadishu si loogu kala dabqaado Beelaha ay xurgufta ka dhaxeyso ee Kablalah iyo Sade loona soo afmeero mishaakilka ka aloosan magaalada Kismaayo.
Sarkaalkaan ayaa sheegay in marnaba nabad loo fadhin intey beel beel kale gurigeeda xoog ku heysato.
Tan iyo intii lagu kala itaal roonaadey gacan ku heynta maamulka magaalada Kismaayo Shan Bilood ka hor waxaa Dowlada Faderalka mar walbaa u muuqatey in xalka Kismaayo lagu dhameen karo wadahadal balse waxaad moodaa iney arintaasi haatan aysan mirro dhilin.
Dadka u dhuun doloola arimaha Jubbooyinka ayaa waxay taa sabab uga dhigayaan kadib markii ay Ku guul dareysatey Dowladda Faderalka iney halkaasi u soo dirto ciidan xoog leh oo kusoo cesho nidaamka iyo kala danbeentii halkaasi ka jirtey ka hor intii ay la wareegin gabi ahaan gacan ku heynta maamulada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhaxe maleeshiyadda Beesha Sade.
By webmaster@codkawaamo.com




