aaliyada Sade ee Finland ooTaageertay Shirka Garbahaareey "Gedo Somaliya"
Helsinki: Waxaan shirweyne aad looga soo shaqeeyay lagu qabtay caadimada Finland ee Helsinki Waxaa ka soo qeyb galay shirkan masuuliyiin, Aqoonyahano, Culima awdiin,Odayaal,iyo dhamaan qaybaha ay bulsho ka koobantahay xubnahaas oo ka kala yimid gobolo kala duwan ee dalka Finland Shirka ujeedadiisa waxay ahayd Taageerida shir nabeedka kasocdo G/Gado ee loogu samaynaayo maamulka laguna soo afjarayo maamul la aantii mudo kajirtay Gobolkaas.
Sidaa darteed jaaliyada wadankaan finland ee kasoojeedo gobolada jubooyinka iyo Gelguduud waxay si diiran usoo dhawaynayaan shir nabeedka kasocdo G/Gedo gaar ahaan caasimada gobolka ee Gerbahaareey.
Sidaa darteed jaaliyadu waxay si buuxdo u taageeraysaa shirkaas waxayna u rajaynaysaa inuu noqdo kii looga gudbilahaa fawdadii kajirtay in mudo ah isla markaana loogu gudbilahaa maamul wanaag iyo wada noolaansho dhexmara umada degen G/Gedo AAMIIN.
Sidaa darteed waxaan kaqabgalayaasha shirka Gerbahaareey usoo jeedinaynaa inay kasoo dhalaalaan kaalinta ooga aadan shirkaas oo ah inay horseedaan heshiis laga gaaro dhamaanba waxii caqbad ah ee jiray 17 sano ee lasoo dhaafay si loo samatabixiyo shacabka reer gado.
Sidookale waxaan dhamaan jaaliyada dibada ee kasoo jeedo deegaanka kor ku xusan usoo jeedinaynaa inay taageeraan shirkaas kana shaqeeyaan sidii looga mira dhalin lahaa shirkaas kaasoo looqabo baahi aad u wayn.
Ugu dambayntii waxaan mahad baalaaran u soodeedinaynaa hay adaha maal galinyo shirakaas sida UNDP
Wada shaqayn wacan.
Saxiixayaasha waa
1. Eng Idiris Hassan Farah
2. Eng Shirwac Abdirahman Gurhan
3. G/sare Adna Buule Muhamuud
4. G/sare Cabdicaziiz sh Cabdisalaan (Codwayn)
5. G/sare Mawliid huseen guhaad
6. G/sare Cabdiqadir Mohamuud Warsame
7. Asad Muhamuud Xoogwayn
8. Adan Cabdi Kharash
9. Adan Muhumed
10. Jaamac Diriye Calikaar
11. Nabadoon Mohamud Jamac cabdulle (Xiish)
12. Cadi Mohumed Buule
13. Mohamud Jamac Diriye
14. Cabdicaziiz Adan Carwayne
15. Cabdishakuur Cabdulle Xuseen
16. Asad Mohamus Warsame
17. Cadi Xaashi Dalab
18. Cabdi Adan Xade
19. Cabdi Ahmed Xasan
20. Bashiir mohamed Awmohamuud




