Ethiopia threatening to destroy LaasCanood and Buuhoodle because they send arms to ONLF and resistance fighters in Mogadishu.
_____________________________
Dawladda Itoobiya:- Dhulbahantoow Haddii Aydaan Burburin Dawladaha Inamadiinu Ka Dhisteen Buuhoodle Iyo Laascaanood , Waxaa Imaan Dooonta In Cirka Iyo Dhulka La Idinka Weeraro
Sep 13, 2007 By:
Buuhoodle;-Kulan aad xaasaasi u ahaa ayaa saaka waxa uu dhexmaray Isimada Deegaanka Buuhoodle & wefti ka socda dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya oo ay horkacayaan Xubno ka tirsan Golaha dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka & Xildhibaano.
Waxaana kulankaasi lagaga hadlay Qodobo ay ka mid yihiin:
(1) Ilaalinta Xuduuda SSC & Itoobiya,
(2) Ciidamo beeleedyo laga doonayo dhulbahante oo ka hawlgeli doona Degmooyinka dannood, Bookh & Gaashaamo
(3) iyo sida loo joojinayo Hubka koontarabaanka ah ee soo dhexmara SSC lana geeyo itoobiya & Muqdisho.
Kulankani intii uu socday waxa ay dhinaca etoobiyaanku sheegeen arimo badan oo ay ku sheegeen inay amaanka wax u dhimi karaan oo laga sheegayo gobolada SSC, waxana ay si weyn uga hadleen arimo ay ka mid ahaayeen.
1-.In itoobiya ay qabatay gaadhi xamuul ah oo soo dhexmaray gobolada SSC kaasoo siday shixnad miinada Budada ah
2-.In itoobiya ay ogtahay in Reer buuhoodle & laascaanood ay soo dhoweeyeen xasan Daahir Aweys markii uu ku jiray safarkiisii Dhuumaalaysiga ahaa ee Min Kismaanyo ilaa Asmara, uuna ka qayb galay furitaankii xafladii masjid jaamaca ceegaag muddo ka hor.
3-.In dadweynaha SSC ee ku jira Xuduuda itoobiya ay la daaheen hawlgelinta Ciidamo beeleedyadii ay isimada qaarkood soo ballanqaadeen intii ay ka qayb gelayeen kulankii wardheer ee Bishii June ee sanadkan, Ciidamadaas oo ka amar qaadan doona dawladda itoobiya, waajibaadkooduna uu noqon doono, ilaalinta iyo koontaroolka xuduuda SSC & ethopia, iyo weliba sidii ay ula socon lahaayeen dhaqdhaqaaqa kooxaha ay itoobiyaanku ugu yeedhaan dadka tilmaaman ee ka dagaalama bariga itoobiya.((haddii aan arimahaasi la fulin oo aan la burburin dawladaha ay inamadiinu ka dhex samaysteen Buuhoodle & laascaanood waxaa iman doonta oo aan idiin cadaynaynaa in Cirka & dhulkaba la idinka weerari doono, oo cadowga laga baadhayo Muqdisho & baydhabo laga helo dhexdiina)) sidaasi waxaa yidhi weftiga itoobiyaanka oo saaka la kulmay isimada deegaanka.
Xigasho Buuhoodlemedia.com