Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

WE WILL DESTROY THE SYSTEM OF KULMIYE WITHIN!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

WE WILL DESTROY THE SYSTEM OF KULMIYE WITHIN!!

Postby fagash_killer » Fri Sep 14, 2007 5:12 pm

liqaye what did i told you dont trust these guys a month ago you was happy that samaroon politicians left udub but that was propaganda is it me ore kulmiye is not only losing support but also losing the propaganda war just read this.



Hogaanka Xisbiga KULMIYE Oo Sheegay In Cismaan Hindi U Adeegayo Xisbiga UDUB Rabayna In Uu Khalkhal Ka Dhex Abuuro Xisbiga KULMIYE
Somaliland.Org — Hargeysa, Somaliland — 14 September, 2007
--------------------------------------------------------------------------------


Hargeysa (Somaliland.Org) Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed M Maxamud Silanyo iyo madax ka tirsan hogaanka xisbiga KULMIYE oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta xisbiga KULMIYE ee Hargeysa ku sheegay in Md Cisman Cabdilahi Cigal, guddomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Hargeysa, isku dayay inuu khal-khal iyo jaha wareer ka dhex abuuro xisbiga KULMIYE isaga oo u adeegaya xisbiga UDUB, sidaas darteedna, laga qaaday xilkii guddoomiyenimo ee xisbigia KULMIYE.
Shirkan hogaanka xisbiga KULMIYE ayaa daba socday shir Md Cisman Hindi ku qabtay hoolka shaqaalaha ee dawladda oo uu ku eedeeyay xisbiga KULMIYE inuu ka leexday hanaanki xisbinimo oo isu bedelay hab beeled.
Guddomiyaha xisbiga KULMIYE Md Silanyo oo shirkas ka hadlay ayaa sheegay in guddidi qaban qaabadda shirweynaha KULMIYE iyo hogaanki xisbiga KULMIYEba waxba ogeyn shirka Cisman qabtay iyo eedaymaha uu xisbiga usoo jeediyey. Isaga oo taas ka hadlayana waxa uu yidhi
"Eedaymaha Cismaana ma aha qaar runta u dhow ee waa qaar dano kale laga leeyahay. Waxan aamin sanahay in Cisman ujeedadisu ahayd in uu xisbiga KULMIYE khal khal iyo jah wareer ka dhex abuuro, waxaana qorshahaas kula socda oo kaga danbeeya xisbiga talada haya ee UDUB iyo xukuumadda. Taas waxa cadaynaysa iyada oo uu shirka ku qabtay hoolka shaqaalaha oo xisbiga KULMIYE hore loogu diidey inuu shir ku qabsado, marka laga yimaado shirweynahiisi ugu horeeyey. Iyo iyada oo markii laga war helay shirka maanta CIsman halkaas ku qabanayo aan u dirnay Madax xisbiga KULMIYE ka tirsan, kuwaasoo loo diiday inay madasha galaan oo booliskii feedh iyo laad kaga soo saareen. Waxaaba dhacday markii Cismaan Hindi arkay madaxdii KULMIYE ee rabtay inay shirkisa hore usoo gasho ayuu askarti ku yidhi dibada u saara oo toogta weliba hadaad doontan..
Isaga oo sii wata hadalkiisa Guddoomiye Silanyo waxa uu yidhi 'Waxaan idiin shegay arrinkas iyo eedaymahaas looga danlahaa jah wareerka waxba yeeli maayan geedi socodka dimuqraadiyada xisbiga KULMIYE. Mana aha marki ugu horeysay ee Cisman ku kaco falal ku lid ah shurucda xisbiga isagoo kal hore shir qabtay uu isagu dib isugu doortay oo aan lala ogeyn. Kaasna wan ka aamusnay oo waanu asturnay. Laakin sida muuqata kama uu waantobin'
Md Silanyo waxa uu cadeeyey in xisbigu ka qaaday xilkii u hayay Cisman Cabdilaahi. 'Waxa aanan halkan idiinka cadeynaynaa in Cisman xilka gobol ee uu hayo uu u magacabay guddomiyaha xisbigu, laakin aanu ku helin doorasho lasoo doontay. Sidaas darteed, waxaan go'aan ku gaadhnay, maadama uu ka horyimi shuruucdi xisbiga, inaan xilkaas ka qaadno Cismaan Saacadas laga bilaabo, waayo waxu kasoo bixi waayay xilkis, sidaas waxa yidhi Guddomiye Silanyo.
Mar uu ka hadlayay arrimaha iyo eedaymaha Md Cisman Cabdilahi ka hadlay waxa uu guddomiyaha xisbiga KULMIYE Md Silanyo sheegay in anay waxba ka jirin eedaymahaas, waxaanu yidhi
'Waxan halkan ka cadeynaya in dhalinyarada shirka Cisman Hindi laysugu yeedhay ahaayen xubno xalaala oo ka mid ah xisbiga KULMIYE. Waan soo dhoweynaynaa, xisbigay ka mid yihiin oo waa dhalin tayadii. Laakin dareenka iyo warka loo shegay waxba kama jiraan; waxanan u shegaya in shir weynaha KULMIYE, haweenka iyo dhalinyaraduba qaybtooda leeyihin'.
Intaas ka dib suxufiyiinti kasoo qayb galay shirkas jaraa'id ayaa Md Silanyo weydiiyey su'aalo, waxaanay u dhaceen sidan:
S:Guddoomiye maxad u leedahay ka bixida Cisman ee xisbiga waxba yeeli mayso KULMIYE miyaanu ahayn xubin muhim ah oo xisbiga?
J:XIsbiga KULMIYE wa xisbi balaadhan. Wad ogeyden oo hore cidba uga baxday, maalin walbana cidba so gasha oo kuso biirta. Xubin muhiim ah wuu ahaa oo guddomiye gobol ayaabu ahaa, laakin hadduu u hogaansami waayo shurucda xisbiga waa mid uu ka badheedhay.
S:Maxa ka jira eedaymaha Cisman Hindi ee ah in shir beeled lo bedelay shirweynahi xisbiga iyo in cid la calemo saaray.
J: Cisman inu idiin shegay ahayd cidda la calemo saray iyo waxu beelaha uga jedo. Anoo guddomiyaha xisbiga ah weli kuman dhowaqin inan murashax ahay, jagooyinka xisbiga dhamaantodna wa lagu tartamaya wana furan yihin.

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: WE WILL DESTROY THE SYSTEM OF KULMIYE WITHIN!!

Postby LiQaaye_TDH » Fri Sep 14, 2007 5:41 pm

I thought you said it was all a lie Laughing and Samroon would never join Kulmiye.. and now suddenly when this happen your admitting you guys joined kulmiye Laughing ... Anyway the Samaroon politician have nothing to do with this, its the Isaaq politicians...

User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Re: WE WILL DESTROY THE SYSTEM OF KULMIYE WITHIN!!

Postby fagash_killer » Fri Sep 14, 2007 5:54 pm

[quote="LiQaaye_TDH"]I thought you said it was all a lie Laughing and Samroon would never join Kulmiye.. and now suddenly when this happen your admitting you guys joined kulmiye Laughing ... Anyway the Samaroon politician have nothing to do with this, its the Isaaq politicians...[/quote]

no i said an month ago you said that samaroon politcians left udub and that udub is losing public support nacam xariif baa iska diigaysay and about the habarawal politcians like i told you they were send their to keep an eye on silanyo so dont twist my words now you losing the propaganda war Laughing

User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Re: WE WILL DESTROY THE SYSTEM OF KULMIYE WITHIN!!

Postby fagash_killer » Fri Sep 14, 2007 6:03 pm

'Xisbigii KULMIYE Waxa uu U Guurey Hab-Beeleed,Oo Wuu Ka Tagay Qaabkii Xisbinimo ee lagu Yaqaanay' G.Gobolka Hargeysa Ee KULMIYE Laughing Laughing
Somaliland.Org — Hargeysa, Somaliland — 14 September, 2007
--------------------------------------------------------------------------------




Cismaan Cabdillaahi Cigaal - Cismaan HindiGudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga Mucaarid ah ee KULMIYE Md.Cismaan Cabdilaahi Cigaal [Cismaan Hindi] ayaa sheegay inuu Xisbigii KULMIYE u guuray Shir-beeleed taas oo uu ku sababeeyey inuu Xisbigu Ergooyinkii ka qeyb-galayey Shirweynaha labaad ee Xibiga lagu qeybiyey hab-beeleed oo bur-burin kara Xisbiga, isla markaana lagu tuntay Shuruucdii Xisbinimo ee Xisbigu dhigtay, oo laga kaaftoomay Xafiisyadii ka furnaa ee ay ku lahaayeen shanta Degmo ee ay Caasimada Hargeysi ka kooban tahay..

Gudoomiyuhu Waxa sidaa ku sheegay shir ay maanta yeesheen Gudoomiye-yaasha xisbiga KULMIYE ee shanta degmo ee caasimada Hargeysa ka koobantahay oo lagu qabtay Hoolka Hay'ada Shaqaalaha Dawlada.Iyo weliba Dhalinyarada, taageerayasha Xisbiga KULMIYE iyo garabka haweenka, oo dhamaantoodba sheegay in lagu tuntay Xisbinimadii Xisbiga KULMIYE oo loo guurey shirbeeleed, isla markaana laga kaaf-toomay Xafiisyadii ka furaa shanta degmo ee ay Caasimada Hargeysa ka kooban tahay.

Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga KULMIYE Cismaan Hindi oo ka hadlayey sababta uu dhowrka jeer shirweynaha labaad ee Xisbiga KULMIYE dib u dhaca ku keentay waxa uu yidhi."Sababta uu dhowrka jeer Shir-weynaha labaad ee Xisbiga KULMIYE dib ugu dhacay ee aan is-leeyahay imikana dib ayuu ugu dhacayaa waxa weeyaan dhibaatada haysata Xisbiga ee loo qeybiyey ergooyinkii hab-beelo ah, waan dhex fadhiyey shalay oo ergooyinkii waa la qeybsan kari waayey oo lama qeybsan karo"

"Xisbiga KULMIYE waxa uu lahaan jiray Gudoomiye iyo Gudoomiye ku-xigeen 1aad iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad iyo Xoghaye Guud" ayuu intaasi raaciyey. Cismaan Hindi

Cismaan Hindi waxa Sheegay inuu Xisbigii hab-beelo ah u guuray, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi. "Xisbiga KULMIYE waxa uu u guuray qaab beeleed oo aad arkayso oo ay daliil u tahay marka uu sameeyey Gudoomiye, Gudoomiye 1aad, ka 2aad, ka 3aad, 4aad iyo Xog-haye Guud, waa lix, waxaa loo dhigay lixdaasi inay noqdaan Gudoomiyuhu reer hebel, Gudoomiye Kuxigeenka kowaad reer hebel, G/kuxigeenka labaad reer hebel, G/kuxigeenka Sadexaad reer hebel, ka Afraad reer hebel iyo xog-hayuhuba, waa qaab beeleed rasmiya oo nidaamkii Xisbinimo ka wareegay"

"Ergooyinka Xisbiga KULMIYE oo beelo lagu qeybiyo waa wax laga xishoodo, Meeshi ay ahaan lahayd in Gobolo lagu qeybiyo" ayuu yidhi Cismaan Hindi waa wax laga xishoodo in ergooyuinkii qaab beeleed lagu qeybiyo.

"Hadaad tidhaahdo yaa reer hebelaay, reer hebelku way kala tagi-doonaan oo KULMIYE ayeynu walaal ku nahay, KULMIYE ayeynu isku dhiig ku ahayn, taa hadaad bur-buriso oo aad shuruucda ka beydho oo aad xeerkii KULMIYE ka tagto oo aad laabto oo aad duub-duubto oo aad meel iska dhigto, waxaad dalkan ku maamuleyso hadaad hadhowto timaado [Madaxtinimada] ma garanayo maanta tii xisbinimo ayaad laabtay, beritoolena waxaad laabidoonta ta qaranka" ayuu yidhi Cismaan Hindi.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi."Haddii uu shirweynahaasi qabsoomo [Shirweynaha Labaad ee KULMIYE] waa shirbeeleed, waa laga tagay oo Somaliland uma baahna shirbeeleed oo dimuqraadiyad ayaa loo gudbay Xisbiyo ayaa loo gudbay"

"Markaa haddii aad beel ku soo noqotaan, Xisbigii KULMIYE waxba kama jiraan kalsoonidayadiina waanu kala noqondoona hadaanu nahay Gobolka Hargeysa" ayuu yidhi Cismaan Hindi.

Xigasho: Hadhwanaagnews

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: WE WILL DESTROY THE SYSTEM OF KULMIYE WITHIN!!

Postby LiQaaye_TDH » Fri Sep 14, 2007 6:14 pm

Cismaan Hindi got Stabbed in Central Hargeisa few Weeks ago, by some thugs sent by the Udub thiefs, and now they are forcing him to work with them, and split up the Kulmiye Party.... As you can see when someone gets sacked from their position, they always chatt alot of rubbish.. check what his cousin wrote about Cismaan Hindi.....

Cismaan Ma Imika Ayaad Saxsantahay Mise Shalay!!!
Omar Abdi Yousuf — Oakland,California — 14 September, 2007
--------------------------------------------------------------------------------


Cismaan ma imika ayaad SAXSANTAHAY mise SHALAY!!!


Cismaan Hindi miyaanay ahayn shalay ninkii lahaa waxaan uga tanaasulay musharaxnimadaydii Madaxwayne-ku-xigeenka ee xusbiga BEELAHA DARAFYADA. Maxaad shalay uga hadli wayday DIMUQRAADIYADA, aad maanta ka hadlaysid. Golaha wakiilada ayaad ku soo bixi lahayd haddii cod dadkaaga ka haysatid. Adiga ayuunbaa maanta is ceebeeyay, ee cid KULMIYE ah oo adiga ku raacaysaa ma jirto. Qofka MAANTA Somaliland danaynayaa waa qofka ka fakira siddii TUUGTA dalka haysata looga badbaadin lahaa. Markaa Somaliland waa ay tashatay, waxaanay ku tashatay sidii Dahir Riyaale iyo Dabadhilifkiisa looga badbaadin lahaa dalka. Kulmiyana waa xusbiga kaliya ee Aqoontii, iyo Wadaniyiintii Somaliland ay iskugu urureen, waana xusbiga kaliya ee doorashooyinka dalka ku guulaysankara.

Waxaan nasiib daro in aad KULMIYE u matalaysay magaaladdii aan ku dhashay, kuna barbaaray ee Hargaysa, khasatan xafadaydii 26 Juun. Maantana Dumarkii iyo dhalinta sharafta leh ee reer Hargaysa aad iskugu yeedhid oo tidhaa KALSOONIDA ayaan kala noqonaynaa KULMIYE, haddii sida aan doonayo shirka u hirgalin waayaan. Haddii cabasho aad xusbiga u soo jeedinayso waxaa ay ahayd in shirka u qabatid xubnaha golaha dhexe ee xusbiga, ee ma ahayn in dadka u kala qaybiseen Gobalo iyo xaafado. Haddaba dadka KULMIYE ee reer Hargaysa ayaa Adiga KALSOONIDA kaala noqday.

KULMIYE waa xusbiga ugu wayn ee Somaliland, dadka Somalilandna badankiisu waa KULMIYE Gudo iyo Dibadaba, markaa digniinta cid aad wax kaga qadaysi ma jirto. Haddii Qabyaalad laga hadlayana waxaan qabaa in shirkaa dadka aad isku keentay aad Qabyaalada aad iskugu keentay, adiga oo Gobalka iyo Xaafadaha Hargaysa ku gabanaya.

Teeda kale miyaad ilawday in Beelo lagu qaybsaday Golaha wakiilada. In Golaha Guurtidu uu ku fadhiyaan Beelaha Somaliland. Haddaba, Saxiib KULMIYE noqon mayo xusbiga maanta sida aad ku doodaysid u dhaqma. Qabiilku waa Cudur dadkeena ku abuuran, waxaanu saxiib u baahanyahay hawl wayn, mana aha hawl maanta KULMIYE saxi karo. Qofkasto oo Somaliland ahi marka hore waxaa uu ku abtirsadaa Beel, marka xiga Somliland. In aynu cudurka qabiilka dadka laga bogsiiyo, waa hawl wayn oon aaminsanahay in hogaanka KULMIYE ay yihiin kuwa dadkan ka bogsiin kara. Markaa ha hor boodin shaqo u bahan wakhti. Gobalkasta iyo dagmo kasta oo Somaliland ah waxaa dagan ama u badan qabiilo, ama dhawr qabiil. Markaa Gobalada iyo Degmooyinka ergooyinka ka imanayaa qabiilooyin ayay ku salaysan yihiin. Haddii aanay sidaa ahayn waxaad gudoomiye xusbiga u noqon kari lahayd Gobalka Togdheer, Sanag, Awdal, Sool ama Saxil.

Hadaba maxaa keenay in aad maanta tidhaa Beela ayaa lagu qaybsanayaa. Hargaysa dadka aad leedahay waan kaxaysanaa ayaan ku jira, markaa saaxib nasiibkaa ka qaad UDUB, Aniga iyo dadku Hargaysi arintaa kugulama socone eh.

Waxaa maanta noo cadaatay in dantaada aad ugu biirtay siyaasada, ee aanad dan ka lahayn dadka iyo dalka toona. Waayo haddalada aad tidhi ma haboona wakhtigan uu xisbigu isku dayayo inuu abuuro gole isdoorta lana dooran karo. Haddii KULMIYE aanu doonaynin inuu ku dhaqmo Dimuqraadiyad sidii UCID ayuu ‘LIST' loo codeeyo shirka keeni lahaa. Halkaasi ayaanu shirku ku dhaman lahaa.

Nin alaala iyo ninkii doonaya inuu dadka u kala qaybiyo Gobalo, Xafado, iyo Beelo si uu dantiisa shaqsi u gaadh, xusbiga Kulmiyana kama mid ma aha, Somalilandna dibada ayuu ka yahay.


Rabadaan Kariim Dhamaantiinba, Allahu AKBAR, Allahu AKBAR.

SOMALILAND Ha Noolato !!!!!!!!!!!!!

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: WE WILL DESTROY THE SYSTEM OF KULMIYE WITHIN!!

Postby LiQaaye_TDH » Fri Sep 14, 2007 6:17 pm

You Can also visit.... www.Buraoonline.tk and click on the news section and see what Mujaahid Silaanyo's said about this....


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 33 guests