Xiisado colaadeed ayaa laga dareemayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaddib markii Ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ay halkaa ka wadaa dhaqdhaqaayo milatari.
Ciidamadan labada dhinac ee isku hor fadhiya degaanada Ari-caddeeye iyo Abeesaleey ee gobolkaas Sool ayaa toddobaadkii hore uu dhexmaray iska horimaad la isku adeegsaday madaafiicda goobta iyo kuwa Diyaaradaha.
Inkasta oo aan la sheegin wax khasaro ah oo labada dhinac soo gaaray ayaa haddana waxaa muuqaneysa isku urursi hub iyo ciidan iyadoo labada dhinaca saacadihii la soo dhaafay ay jiida hore ee dagaalka ay geeyeen ciidamo aad u xoogan taas oo laga filan karo in isku dhacyo ay dhexmaraan ciidamada ka kala socda Puntland iyo Somaliland.
Maamulada Puntland iyo Somliland oo dhowr mar dagaalo xoogan ay ku dhexmareen xaduudaha ay ku muransan yihiin ee gobolka Sool ayaa waxaa labada dhinacba ka soo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh iyadoo ilaa iyo imminka aaney muuqan wax xal ah oo logu dhexdhexaadin karo khilaafka ka dhex aloosan dhinacydaas ee ku saleysan dhinaca xaduuda ay ku muransan yihiin.
Colaada imminka laga cabsi qabo inay ka soo cusboonaato deegaanada ay ku muran san yihin Somaliland iyo Puntland ayaa ku soo beegmeysa iyadoo maamulka Puntland uu shalay ku dhawaaqay inuu halkaa u dirayo guddi ka kooban wasiiro iyo taliyalaal ciidan si ay u soo indha indheeyaan xaalada halkaa ka jira iyo ciidamadooda ku sugan jiida hore ee dagaalka.




