Postby adanboy » Mon Sep 17, 2007 5:34 pm
Tahriibayaal u badan dhalin yaro oo kasoo cararay dhibaatooyinka maalin waliba ay ku hayaan Ciidanka Dowladda KMG ah Soomaaliya iyo Cidanka Itoobiyaanka oo ku sugan Magaalada Muqdisho oo maan dib loogu soo celiyay Magaalada Hargeysa
Tahriibayaal Soomaali ah oo u badan dhalin yaro ayaa Maanta dib loogu soo celiyay Magaalda Hargeesa kuwaasi oo laga keenay Dalka itoobiya iyagoo doonayay in ay ka talaabaan xaduuda Dalka Sudan Iyo itoobiya
Tahriibayaashaas oo gaarayay ku dhawaad 34 Tahriibayaal ah oo u badan dhalinyaro Iyo Caruur Iyo haween oo Naftoda kala cararay Magaalada Muqdisho Dhibka Joogtada ah ay ku hayaan ciidanka Dowladda KMG ah Soomaaliya iyo Ciidanka Itoobiyaanka ah oo Xoog ku qabsaday Dalka Soomaaliya oo Maalin waliba Jil dil u geesta dhalin yarada Soomaaliyeed oo ku sugan Xaafadaha ay kawadan baarista joogtada ah
Tahriibayaashaas ayaa waxaa laga soo qabtay Xadka Isku xira Itoobiya Iyo Sudan Kuwaasi oo doonayay in ay Dakla Sudan ku Galaan si dhuumaalaysi ah ayaa waxaa qabtay ciidanka Xuduuda Ka ah dalka Itoobiya kadibna Dib ugu soo celiyay Magaala Madaxda Dalka itoobiy ee adis ababa , baaris kadib ayaa waxaa La Ogaaday Dhalinyaradaas in ay ka Imaadeen Magaalada Muqdisho dibna loogu soo Celiyay Magaalada Hargeysa
Dhalinyaradaan ayaa ah kuwa inta badan kasoo cararay xasilooni darada ka jirta Magaalada Muqdisho iyo Qafaalashada Maalin waliba loo Geesanaya dhalin yarta Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Keentay in ay Ka Cararaan Magaalada Muqdisho iyadoo ay ku Leeyihiin Markaad kala sheekeesato qatarta Ay leedahay In ay Maraan Saxaraha u dhaxeeya Liibiya iyo sudan iyo wlaiba Badda u dhaxeesa Liibiya iyo Talyaaniga Kaaga Jawaabaya Waa Mid aan sugayno Geerida Lama Huraana waaye Geerida Ayagoo hadalkooda Sii Raacsiinaya inta ay i cadaabi lahaayeen Xabashi Waxaa ii dhaanta in aan ku dhinto Badda ama Saxaraha liibiya Iyo sudan
Dhalinyartaan Soomaalida ah ayaa Si Wayn Ugu qul qulaya Dalka itoobiya iyagoo Ka Faa,iidaysanaya Badda oo Furan Hadda , Baddaas oo ku eg Bisha 10 aad Ee sanadkaan aan ku Jirno ayaa keentay in Soomaali badan ay ku soo qul qulaan dalka itoobiya si ay kaga tahriibaan dalka sudan ilaa iyo talyaaniga
Safaaraddan Sudan ay ku leedahay dalka Itoobiya ayaa diiday in ay siiso dalka ku galka ama Visa ay ku gali lahaayeen dalka Sudan Soomaalida Ayaa Keentay In Dhalin Yaro Badan oo Soomaali ah Lagu qabto xadka Sudan iyo Itoobiya Iyagoo aanan Haysan wax Visa ah ama Dal Ku Gal ah