Kismaayo: Beesha Sade oo baaq u jeedisay odayaasha Caabud Waaq
Kismaayo(AllPuntland)- Afhayeenka beesha Sade Xasan Maxamed Cali “Xasan Dheere” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo ayaa baaq u jeediyay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Galgaduud gaar ahaan degmada Caabud Waaq halkaasoo ay isku horfadhiyaan maliishiyooyin ka soo kala jeeda isla beesha Sade.
Afhayeenka wuxuu ka codsaday waxgaradka iney si dhaqsi ah ugu hortagaan dagaalo halkaasi ka dhasha oo saameyn ku yeesha deegaanka kaasoo sababi kara iney sii dheeraato colaada ka dhalatay dilkii dhawaan loo geystay Sarkaalkii u shaqeynayey hey’adda WHO qeybteeda talaalka cudurka Dabeysha ee Galgaduud.
Gabagabadii Md. Xasan Dheere wuxuu sheegay in odayasha dhaqanka ay wax walba ku xaliyaan shareecadda Islaamka sida ay yeeleen odayaasha beesha Sade ee ku dhaqan gobolada Jubooyinka kuwaasoo ku guuleystay in ay joojiyaan dilalka macna darada ah ayna ku heshiiyeen in la qisaaso qofkii qof dila.
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho



