Idaacadda Shabelle iyo qadkii Internetka ee Shirkadda Global oo hawada ka baxay ka dib duqeyn saacado socotay oo ciidamada dowladda federaalku ay u geysteen(Burbur xoog leh oo soo gaaray qalabka iyo dhismaha Idaacadda)
Waxaa hawada ka baxay duhurnimadii maanta Idaacada Shabelle ee magalada Muqdisho iyo qadkii Internetka ee shirkadda Global ka dib markii ay ay waxyeelo ba'an ka soo gaartay duqeyn xoog leh oo dhismaha ay degan yihiin ay ka geysteen ciidamada dowladda federaalka ee fariisinkoodu yahay wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha, taasoo socotay muddo saacado ah.
Duqeyntan oo aheyd mid si toos ah loola beegsanayey dhismaha Idaacada Shabelle ay degan tahay oo sidoo kale ay la degan yihiin hey'addo kale ayaa ciidamadu waxay u adeegsadeen rasaasta nocyadeedakala duwan ee ka dhacda qoryaha laga ku rakiban baabuurta dagaalka iyo kuwa loo yaqaano BKM-ka ayaa si miyir la'aan ah u socotay muddo saacado ah, iyadoo xiligii rasaastaasi ay soccotayna ay gudaha ku jireen ilaa 25 qof oo ka mid ahaa shaqaalaha Idaacada sida uu ku waramay Jacfar Maxamed Kuukaay oo ah ku-simaha agaasimaha Idaacadaasi.
Anagoo u fadhina shir maalmeedkeenii caadiga ahaa ayaa waxaan mar kaliya ka war helnay rasaas ka soo gudbeysa daaqadaha xarunta oo qabsatay darbiyada markiibana waan kala cararnay, nin walba waxaa uu galay halkii uu is lahaa waad ku badbaadi kartaa, waxaana sii xoogeystay rasaastii oo markii dambe keentay in nafteenii ay halis gasho, qaar shaqaalaha ka tirsan ayaa markii au adkeysan waayeen rasaasta waxay galeen miiska hoostooda, kuwa kalena waxay maciin bideen jiif, rasaastii xoogga badneyd wey naga joogsatay hadda hase ahaatee waxaa nagu soo dhacay rasaas goos goos ah mararka qaarkood mana jirto cid ka bixi karta iyo cid so geli karta xarunta Idaacadda" ayuu yiri Jacfar Maxamed Kuukaay oo intaa ku daray in inta uu og yahay aysan jirin cid shaqaalaha ka tirsan oo waxyeelo ay soo gaartay..
Waxaa haawanaya wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha gaar ahaan inta u dhexeysa Isgoyska Aadan cadde iyo xarunta shirkadda xawaalada Dahabshiil, halkaasoo ay weli ku sugan yihiin ciidamada dowladda federaalka ee iyagu maalmahanba halkaasi ku joogay, waxaana wadada bartamaheeda ka muuqda meydka labo eey iyo dameer ay haleeshay rasaastii ciidamada DF ay ridayeen, waxaana sidoo kale inta la og yahay shaqaaqooyinkii maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ku dhintay qof rayid ah halka mid kalena uu ku dhaawacmay.
Xafiiska wararka ee , Muqdisho Soomaaliya
dayniilecom@hotmail.comhttp://www.dayniile.com/Setenbar/18Setenbar8.htm