Page 1 of 1

warki ugu dambeya soo daya. yaa la karbashay oo laga adkaada

Posted: Wed Sep 19, 2007 2:43 pm
by Hiiraan boy
who won in lascanood

Re: warki ugu dambeya soo daya. yaa la karbashay oo laga adkaada

Posted: Wed Sep 19, 2007 2:46 pm
by Somalistan
Bah hararsame backed by somaliland kicked some butt. Laughing

Re: warki ugu dambeya soo daya. yaa la karbashay oo laga adkaada

Posted: Wed Sep 19, 2007 2:47 pm
by Hiiraan boy
bisinka

war maxa waaye hararsameka sheegayasid. ma qabiil cusub miya??

Re: warki ugu dambeya soo daya. yaa la karbashay oo laga adkaada

Posted: Wed Sep 19, 2007 2:48 pm
by The_Emperior5
WHA DHULOZ

WA ILMA GARAAD Laughing Laughing

Re: warki ugu dambeya soo daya. yaa la karbashay oo laga adkaada

Posted: Wed Sep 19, 2007 2:51 pm
by Somalistan
lol@bisinka, kaalay have u ever or anytime near past been a woman? Laughing Laughing Laughing

Re: warki ugu dambeya soo daya. yaa la karbashay oo laga adkaada

Posted: Wed Sep 19, 2007 3:02 pm
by The_Patriot
Xawadle boy i will bring an udejen guy to smoke you out of SNET. Laughing

Re: warki ugu dambeya soo daya. yaa la karbashay oo laga adkaada

Posted: Wed Sep 19, 2007 4:23 pm
by BABYGIRL123
Laascaanood : Dagaalo dhexmaraya ciidamada Puntland iyo kuwa Maamulka la baxay Somaliland oo ka socda duleedka laascaanood.
19. september 2007

APL


Tool

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email

Print This Article | Daabaco warkaan

Laascaanood(AllPuntland)- Dagaal laysku adeegsanayo hubabka noocyadiisa kala duwan ayaa ka bilowday abaare 6:00 Maqrinimo duleedka Waqooyi ee magaaladaasi waxaana dagaaladu udhaxeeyaan ciidamada maamulka Puntland iyo Maamul la baxay Somaliland.

Wariye jooga Jiida hore ee dagaalka oo la yiraahdo Faysal Khaliif isla markaana ah tifaftiraha Radio Laascaanood ayaa AllPuntland usheegay in dagaalku socdo isla markaana ay dagaal bilaabeen ciidamada Maamulka la baxay Somaliland.

Wariyuhu wuxuu sheegay in aan la ogaan Karin khasaaraha dhimasho ee dagaalkaasi sababay ayado buu yiri xiligu yahay habeen isla markaana Askari dhaawac ah lasoo gaarsiiyay Cusbitaalka Magaalada laascaanood ,inkastoo dhinaca kale wararka laga helayo ay sheegayaan in dhimasho iyo dhaawacba uu jiro.

Faysal Khaliif ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay difaac xoogan muujiyeen ayadoo wararkii ugu danbeeyey sheegayaan in ay ciidamada Puntland horay uruqaansadeen ,qaar ka mid ah Maamulka gobalka Sool ayaa sheegay in ciidanku horay usocdeen oo ay qabsadeen Fariisimo kala duwan oo ay lahaayeen ciidamada Maamulka la baxay Somaliland ee ka taliya gobalada Waqooyi galbeed ee Soomaaliya.

Madaxtooyada Puntland sarkaal jooga oo magaciisa ka gaabsaday ayaa Saxaafada usheegay in talaabadan dagaalka ay soo dadajiyeen Maamulka Waqooyi galbeed ee Soomaaliya kuwaasoo uu sheegay in ciidamo xoogan ay keeneen Xuduuda isla markaana ay bilaabeen in ay duqeymo ka geystaan qeybo ka mid ah deegaanada Xuduuda ku yaala.

Faahfaahin ku saabsan dagaaladaasi kala soco www.AllPuntland.com

Faarax C/qaadir Geylan
AllPuntland

Re: warki ugu dambeya soo daya. yaa la karbashay oo laga adkaada

Posted: Wed Sep 19, 2007 4:24 pm
by AbdiWahab252
Hiiraan,

Bah Hararsame are the Royals of the Dhulbahante Cool

Re: warki ugu dambeya soo daya. yaa la karbashay oo laga adkaada

Posted: Wed Sep 19, 2007 4:56 pm
by Executive
Warar Dheeraada Ayaa Kasoo Baxaya Dagaalkii Somaliland Iyo Puntland

(Laascaanood}19.9-7
Warar dheeraada ayaa kasoo baxaya dagaalkii caawa dhexmaray ciidamdii isku horfadhiyay deegaanka abeesalay...................................

dagaal xoogan oo ay ciidamada somaliland iyo kuwa puntland ay bacda afuradii isaga horyimaadeen jiidaha ay isku horfadhiyaan ayaa warar dheeraada oo aanu ka helnay waxay sheegayaan in gawaadhi ay ku gubteen dagaalka halka ay askar puntland ahna ay ku dhaawacmeen.

warar hordhac ah oo aanu ka helnay dhanka puntland waxay sheganayaan in ay gubeen laba kamid ah tiknikada ciidanka somaliland halka ay askar badana ka laayeen waa sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha puntland

waxaa kale oo ay sheegeen puntland-tu in dhankooda hal askari oo kaliya laga dhaawacay kaas oo dhaawiciisa la sheegay inuu kasoo gaadhay sanka uuna yahay sahalo.

wali war rasmi ah kama soo bixin dhanka ciidanka somaliland balse warar kala duwani waxay sheegayan inay halkii ay hore u fadhiyeen ay kasoo durkeen

xaalada ayaa aad u kacsan iyadoo ay saamayn xoogana ay ku yeesheen dagaaladan iska soo daba noq noqday dadka reer guuraaga ah iyo xoolo dhaqatada deegaanka.

maanta ayaa waxaa meel cidlo ah laga helay haweenay mayd keeda waxaanay saraakiisha ciidanka puntland ay sheegen in haweenaydaasi ay ku dhaceen madaafiicdii ay sida is daba jooga ah usoo ridayeen askarta somaliland.

Liibaan Jordan:::Widhwidh Online News Desk...Media Center

Re: warki ugu dambeya soo daya. yaa la karbashay oo laga adkaada

Posted: Wed Sep 19, 2007 4:58 pm
by Somaliweyn Commando
[quote="AbdiWahab252"]Hiiraan,

Bah Hararsame are the Royals of the Dhulbahante Cool[/quote]


Cool

Re: warki ugu dambeya soo daya. yaa la karbashay oo laga adkaada

Posted: Wed Sep 19, 2007 5:09 pm
by BABYGIRL123
Mujaahidiinta oo caawa daano gaadh siiyey
Thursday, 20 September 2007
Labo Gaadhi Oo Lagaga Gubay Maleeshiyaadka
Maamulka Riyaale,
Israsaasayn Caawa Fiidkii Dhex Martey Labada Dhinac

Israsaasayn caawa fiidkii afurkii ka hor dhex martey Ciidamad Puntland iyo Maleeshiyaadka Maamulka Riyaale ayaa la sheegayaa in lagaga gubay labo gaadhi oo kuwa Tiknikada loo yaqaan Maamulka Riyaale, halkan kuwa Puntland uu hal askari dhaawac soo gaadhay.

Maleeshiyaadka Maamulka Dirta Waqooyi ee ku sugan aaga Abeesalay ayaa la sheegay in ay rasaas ku soo rideen gaadhi Zuu ah, kaasi oo markaa isu diyaarinayey in uu galo Dhufayskuu lahaa, waxaana uu markiiba Qorigaasi oo ah mid caan ku ah dagaalka, si weyna uga qayb qaatey Dagaalkii Dhahar uu ku jawaabay dhawr Saalbo oo rasaas ah taasi oo sida la xaqiiyey wax yeelo weyn u gaysatey Labo gaadhi oo ka tirsam maleeshiyadaka maamulka Riyaale.

Warar aanu caawa ka helayno Tuuladda Adhi-caddeeye ayaa sheegaya in halkaasi la geeyey labadii gaadhi oo la jiidayo iyo dhawr askari oo dhimasho iyo dhaawacba leh.Iyadoo xaaladda aagaasina ay haatan kacsan tahay.

Dhinaca Ciidanka Daraawishta ayaa la sheegayaa in uu hal askari dhaawac fududi soo gaadhay, kaasi oo caawa lagu daaweynayo Cusbitaalka guud ee Laascaanood.

Dhawrkii maalmood ee aynu soo dhaafnay ayaa waxaa jiida Adhi-caddeeye oo ay isku horfadhiyaan labada ciidan ka taaganaa xiisan Colaadeed, waxaana saacad kasta laga cabsi qabaa in uu dagaal foolka fool ahi dhex maro Ciidanka Daraawiishta iyo Maleeshiyaadka Dirta waqooyi oo gardarrada ku jooga deegaankaas.