http://www.calaacal.mjSomalian_Boqor Post subject: Somalidiid Pushed Back Many confirmed Dead!!!Posted: 21 Sep 2007 08:27
SomaliNetizen
Joined: 15 Feb 2007 07:56
Posts: 414 War deg deg ah: Khasaarihii soo gaarey ciidamada Somaliland ka soo gaarey....
Waxaa isa soo taraya khasaaraha uu keenay dagaalkii shaley dhexmarey ciidamada Puntland iyo maamulka Somaliland, iyadoo khasaraha soo gaarey dhanka ciidamada Somaliland saacadihii ugu dambeeyey ay ka soo baxayaan warar dheeraad ah oo faahfaahsan.
Dad xog ogaal ah oo ka gaabsadey in magacooda saxaafada laga sheego sababo dhanka amaanka ah oo ku sugan degmada Caynaba ee Gobolka Togdheer ayaa u xaqiijiyey SBC in afar askari oo ka mid ahaa ciidamadii Somaliland ee shaley dagaalka la galey ciidamada Puntland lagu aasey magaalada Caynaba.
Dadkan xog ogaalka ahi waxay tibaaxeen in sidoo kale 7 askari oo kale oo ka mid ahaa ciidamada Somaliland oo dhaawac uu ka soo gaarey dagaalkaasi loo gudbiyey magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Dagaalkii shaley ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee dhexmarey ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland wuxuu maanta saameyn weyn ku yeeshey dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee Gobolada Sool, Togdheer iyo Cayn, waxaana gabi ahaanba istaagay gaadiidkii isaga kala gooshi jirey goboladaasi.
Xaaladaha deegaanadii shaley dagaaladu ka dhaceen ayaa wali kacsan iyadoo laga cabsi qabo in dagaaladu mar kale halkoodii ka soo socdaan, maadaama aanay jirin cid ilaa iyo haatan u istaagtey sidii colaada ka soo cusboonaatey deegaankaasi loo joojin lahaa.
SBC News Desk