Puntland oo ku fa shilantay Inay Gole Deegaan ka hirgaliso Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag
Badhan:- Magaalada Badhan ee ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxa ayaamahakan si dhoomaalaysi ah ugu sugnaa rag u adeega Maamulka Cade Muuse kuwaas oo qorshahoodu ahaa inay ka dhisaan Gole Deegaan Degmada Badhan, Balse waxay halkaas kala kulmeen Dharbaaxo xoogle iyagoo aan ka soo bixin Hoteelkii ay ka Deganaayeen Magaalada isakaba Daayoo inay Hirgaliyaan Dhisme gole Deegaan oo loo dhan yaha.
Ergadan oo ah dad ka shaqeysta deegaanka Garoowe ayaa horkacaayay Axmed Maxamed nuur iyo Maxamed warsame Sinjibiil, ayaa isla shalay shir ku qabtey magaalada Badhan iyagoo kala hadlay dadweynaha arima dhowr ah oo ay ugu horayso Sidii ay uga dhisi lahyeen Gole degaan degmadaasi badhan kaasi oo aaney haba yaraatee waxtalo iyo tusaale ah aaney ku lahayn Maamul goboleedka Puntland Marka laga reebo shaqsiyaad si gaara ugu adeega Cade muuse Muuse iyo Wiilashiisa.
Ergadan siyaasadeed ee sida xaalka ah uu cade usoo xushay ayaa sheegay in ay wacyi galin u joogaan Dhisme cusub oo gole degaan ah oo ay iyagu markaasi ka damacsanyihiin in maamulkeedu ka taliyo magaalada Badhan iyo sidii Cade Muuse magaalada Badhan loogu soo dhaweyn lahaa Hase ahaatee kumay guulaysan Ciidanka Maamul goboleedka Puntland Hadafkii iyo u jeedadii ay ka la hayeen degmada Baran ee Gobolka Sanaag oo ay hamiga ku hayeen inay Wax ka yihiin,.
Waxay kaloo ergadu sheegtey iyagoo dadka reer Badhan ku sasabaaya in magaalada markii ugu horeysay loo dhiso Gole Deegaan. Taaso noqon doonta magaaladii ugu dambeysay ee loo dhisa gole deegaan dhanka Puntland.
Maamul goboleedka Maakhir ayaa waxay todobaadyo ka hor soo dhiseen gole deegaan oo ay yeelato magaalada Dhahar taas oo ay dhamaan goob joog ka ahaayeen Waxgaradka Magaalada Dhahar iyo Masuuliyiinn Sar Sare oo ka tirsan Maamulka Maakhir waxana halkaas si Cadaalada ah loogu doortay Gole Deegaan oo loo dhan yaha.
Maha markii ugu horaysay oo Maamulka Puntland oo uu isku dayo inuu Gole Deegaan ka dhiso Degmada Badhan isaga oo adeeg sanaya Calooshooda u shaqaystayaal, e waxa ka horaysay ilaa Laba jeer oo hore taas oo ku fashil meen oo ay kala kulmeen Waji gabax iyo Dhagax tuur ay ku sameeyeen Bulshada ku dhaqan Magaalada Badhan oo aad uga Xumaa inay Puntalnd soo fara galiso Gobolka Sanaag.
Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag waxaa ay isku maan dhaafeen ujeedada socdaalkooda Madaxda ugu sarsarasa maamul Goboleedka Maakhir state oo ku tilmaantay talabadaasi Xadgudub iyo Gadaro Qaawan oo aan Geedna loogu soo gaban Dabadeedna waxaa halkaasi ka dhacay Dagaal kaas oo ay ku awood Ronaadeen Taliska sare ee Maamulka Maakhir State of Soamaliya halqor ayey ka dhaaweceen Gaarina waa ay ka qabsadeen Maamulka Puntland Gaarigaasi iyo Weliba da kale oo Gaaraya tobanyo Qof oo Dhaawaca ayaa lugu soo waramayaa inay ilaa iyo haatan ay ku xaran yihiin Xabsiga Magaaladaasi Baran ee Fariisinka u ah maamul goboleed Ka Maakhir state,
Wasaarada Amniga ee Maamulka Maakhir ayaa arintaas ka hadashay waxayna ku tel maantay Gardaro aan Geed loogu soo gaban oo Maamulka Puntland uu ku hayo Gobolada ay ka arimiso Maamulka Maakhir, iyagoo wacad ku maray inay Talaabo cad ka qaadi doonaan hadii anay Faraha kala bixin Maamulka Puntland Qaska uu ku hayo Gobolada ay ka arimiso Maamulka Maakhir.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Badhan ayaa aad uga xumaaday Ergadaas soo gaadhay Magaalada badhan waxayna ku til maameen rag doonaya inay khal khal galiyaan Amaanga Mandaqada oo ah Mid laysku halayn karo.
Dhinaca kale Mar ay isku dayday Xukuumada Cade Muuse inay ka yagleelaan Gelo degaan degamada badhan ayaa Waxay la kulantay arintaasi looga awooda Roonaday ilaa hatan waxaa arintan la yabaan Masuuliyiinta Maakhir state oo ku tilmaamay xadgub iyo Gardaro lugula soo xadgudbay gobolka iyo Maamulka ka Arimaya ee ay doorteen Dadka wadanku u dhashay ee Muwaadiniinta reer sanaag ahi.
Waxa xusid mudan in Saxaafada qaar keed ay soo bandhigtay in Gole Deegaan oo loo dhan yahay loo dhisay Degamada Badhan taas oo ah wax aad looga dhiidhiyo oo ah wax aan waxaba ka jirin iyagoo Dadka Marin habaabinaya oo ka duwaya Run iyo waxa xaqiiqada u dhaw.