Page 1 of 1

Sargaal sirdoonta etoobiya lashaqeeyo oo caawa ladilay......

Posted: Sat Sep 22, 2007 11:49 am
by adanboy
War ded deg ah Nin katirsan ciidamada nabad sugida oo caawa lagu qaarajiyey Muqdisho
Muqdisho
Sargaal ka tirsan ciidankka nabad sugida ayaa caaw fiidkii lagu dilay deegaanka Suuqa Bacaad kaasoo lagu magacaabo Cabdulaah iyadoona dilka masullka ay geysteen laba nin oo hubeysan.

Dilka oo ah mid qorsheysnaay ayaa waxaa lagu qaarajiyey sargaalkaasi oo ka tirsan nabad sugida DFKMg iyadoona isla goobta ay ku dhawaacameen dhowr qof oo rayid ah
Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing



Nin caan ka ahaa Suuq Bacaad oo Caawa la dilay

Beerdhiga 22.09.2007 19:25

Caawa Salaadii Makhrib wax yar ka dib ayaa waxa toogasho lagu dilay Nin magaciisa lagu sheegay C/Laahi Odaxoow xili uu ku sugnaa Suuqa Labaad ee Magaalada Muqdisho ee Suuq Bacad.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in dilka ninka lagu magacaabo C/Laahi Odaxoow ay geysteen labo nin oo ku hubaysnaa bastoolado isla markaana si dag dag ah goobtii ugu baxsaday.

Isla qofkaasi goob joogaha ah ayaa sheegay in haweenay kale oo halkaasi ku sugnayd ay ku dhaawacanta taas oo ay xabadaha qaarkood ka haleeleen gacanta.

C/Laahi Odaxoow oo lagu dilay Suuq Bacaad gaar ahaan qeybta lagu iibiyo Caanaha ayaa dadkii yaqaanay waxa ay sheegeen in uu baryahan dambe la shaqeynayay DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya isla markaana caan ka yahay Suuq Bacaad.

Lama sheegi karo ilaa iyo hadda cida sida tooska ah uga dambeysa falkan toogashada ah xili ay magaalada muqdisho ku sii badanayaan dilalka qorshaysan ee ugaarsiga ah.