You think i am joking
Ciidamo Ethiopian ah oo baacsanaya rag ka tirsan ONLF iyo maxakiimta oo soo gaadhay duleedka garoowe

Warkii 23-Sep-2007 iyo Qormadii: Afnugaal
Wararka aanu ka helayno degmada buurtinle oo ka tirsan gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaas ay shalay soo gaadheen ciidamo ka socda dowlada federaalka ee Ethiopia ciidamadaas oo ka kaxaystay magaalada rag la sheegay inay ku raad joogeen..
Ciidamada Ethiopian ka ee soo gaadhay degmada burtinle ayaa watay Toban gaari oo kuw xamuulka iyo dagaalka isugu jira, ciidamadaas oo la sheegay inay ka yimaadeeen dhinaca magaalada galkacayo ee gobolka Mudug ayaa ku raad joogay sida aynoo sheeg dad goob joogayaal ah todobo gaari oo kuwa xamuulka ah oo la sheegay in ay rasaas iyo saanad kale u wadeen koonfurta Somalia gaar ahaan gobolka Galgaduud...
Ciidamada Dowlada Ethiopia ayaa gacanta ku dhigay 5 ka mid ah gawaadhida ay ku raad joogeen raggii wadayna ay ku hayaan baaritaan la xiriira halka ay hubkaasi ka keeneen iyo goobta ay ku wadaan.
Dhinaca kale warar aanu goor dhowyd ka helay xarunta dowlad goboleedka Puntland ee garoowe ayaa sheegaya in ay hada ku sugan yihiin ciidamo Ethiopian ah oo gaadhaya 600 oo askari meesha lagu magacaabo birta dheer oo waxyar uun dhanka galkacayo ka xigta garoowe, ciidamadaas oo la sheegay in ay ku raad jogaan rag ay sheegeen in ay ka soo jeedean ururka ONLf iyo qaar ka mid masuuliyiintii golihii maxaakiimta ee lakala eryey ..
Wararka ka imaanaya garoowe ayaa intaasi ku daraya in maamulka puntlanad uu si hoose ugu wargliyey maamulada gobolada in ay la shaqeyaan ciidmada Ethiopia hadii ay soo galaan xadkooda..
Ninka hataan ay radainyaan ciidanka Ethiopia ee ku sugan duleedka garoowe ayaa la sheegy in lagu magcaabo Sheekh dheeg aadan dayib waxaana la filiyaa in sacaadaha soo socda ay ay soo garaan magaalada xeebta ah ee Boosaso .
Waa markii labaad isbuucan aynu ku jirno ee Xukuumada Ethiopia ay ciidamadeedu howl galo ka fuliyaan gudaha maamul goboleedka Puntland , iyagoo 8 dhalinyaro ah ka kaxaystay 2 casho ka hor magaalada buuhoodlle dhalinyaradaas oo sida uu sheegay taliyaha saldhiga buuhoodle ahaa rag ganacsata ah isla markaana ay ciidanka booliisku gobolka cayn u qabteen cashuur daraadeed.
Afnugaal news
Info@afnugaal.