Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

ALI GEEDI:MAHADCELIN U JEEDIYAY CIIDAMADA DOWLADDA ITOOBIYA

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

ALI GEEDI:MAHADCELIN U JEEDIYAY CIIDAMADA DOWLADDA ITOOBIYA

Postby fagash_killer » Sun Sep 23, 2007 9:05 am

ali geedi for president Laughing

RA’IISAL WASAARE GEEDDI: “Ciidamada Itoobiya Haddii shalay khilaafaadyo jireen oo la dhihi jiray ha baxaano maanta in loo oynayo in ay sii joogaan waad ogtihiin ayaan filayaa”

Axad, September 23, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa mar kale wuxuu ku celiyay in Dowladdiisa ay diyaar u tahay in ay la xaajooto Kooxaha Mucaaradka ku ah.



Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa sheegay in Dowladdiisa ay horay ugu baaqday in ay la hadleyso cid kasta oo daneyneysa in nabad iyo xasilooni lagu soo dabaallo Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay haatan mar kale ku celinayaan in uu weli baaqaas taagan tahay.



Prof. Cali Maxamed Geeddi isagoo baaqaas jeediyay ayuu hadana wuxuu sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay maanta u ooynayaan inay sii joogaan Ciidamada Itoobiya, halka mar sii horeysay dagaal lala geli jiray, isla markaana la dhihi jiray ha baxaano, wuxuuna taasina sabab uga dhigay in ay Ciidamada Itoobiya muujinayaan xil-kasnimo iyo in ay doonayaan sidii ay Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd.



“Ciidamada Itoobiya Haddii shalay khilaafaadyo jireen oo la dhihi jiray ha baxaano maanta in loo oynayo in ay sii joogaan waad ogtihiin ayaan filayaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi oo mahadcelin u jeediyay Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo kuwa Uganda ee Muqdisho ku sugan.



Dhanka kalena, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi wuxuu baaq u diray Hay’adaha Samafalka, kuwaasi oo uu ugu baaqay in ay gargaar deg deg ah la soo gaaraan dad ka barakacay Magaalada Muqdisho, sidoo kalena Dadka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay wax taraan dadkaas, “Dadka Soomaaliyeed haddii ay wax is-taraan ayuu Caalamkana wax tarayaa”ayuuna Ra’iisal Wasaare Geeddi.



Ra’iisal Wasaaraha ayaa hadalkaas ka sheegay munaasabad lagu magacaabayay Dallad la magac baxday Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka Gobolka Banaadir, taasi oo uu Guddoomiye ka yahay Jen. Axmed Jilacow Caddow, wuxuuna Ra’iisal Wasaaraha ugu baaqay Dalladdaas in ay ka shaqeeyaan Nabadgelyada, isla markaana ay la shaqeyn doonaan Hay’adaha Bulshada Gobolka Banaadir.



Munaasabaddii looga dhawaaqayay Dalladdaas oo ka dhacday Hotel Siinaay ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kale oo ka qeybgalay Imaam Maxamuud Imaam Cumar, Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).



Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Dalladan la magac baxday Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka Gobolka Banaadir ayaa magacaabisteeda waxay ku soo beegmeysaa iyadoo ay horay Gobolka Banaadir uga jireen Ururro Bulsho oo tiro badan, inkastoo ay Ururradaas ahaayeen kuwo aan mideysneyn.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 13 guests

cron