Muqdisho: Prof. Geeddi “Ciidamada Itoobiya haddii shalay la dhihi jiray ha baxaano maanta in loo oynayo in ay sii joogaan waad ogtihiin”
Muqdisho(AllPuntland)- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay in aysan ka baxeyn Gudaha Soomaaliya Ciidamada Ethiopia, isagoo sheegay in joogitaanka haatan ee Ciidamada Ethiopia ay tahay heer ay shacabka u ooyaan halkii markii hore la dhihi jiray haka baxaan Soomaaliya.
Ra'iisul wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in Ethiopia ay dhiigeeda u hurtay nabad ka dhalata dalka Soomaaliya isla markaana ay mudan yihiin in lagu amaano howlgalka ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.
"Hada waxay taagan tahay Heer Shacabka Soomaaliyed ay u ooyaan ciidamada Ethiopia oo la dhahayo ha sii joogaan waad og tihiin ayaan filayaa, halkii ay horay loo dhihi jiray haka baxaan Soomaaliya, waayo Nabad ayay keeneen, dhiigooda ayay u hureen" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Geeddi oo intaa raaciyay in ay sii joogi doonaan gudaha dalka inta laga helo kuwo badala.
Hadalkan ayaa dadka Muqdisho ay ku sheegeen mid xaqiiq ah oo xaalada ay iminka ku soo kordhiyeen ciidamada Itoobiya ay dareemi kartaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed iyadoo ay hoos u dhigeen falalkii looga bartay caasimada ee Muqdisho.
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho






