Maamulka la magac baxay Jamhuuriyada Somaliland ayaa toogasho ku dilay madaxii laanta la socodka hawada iyo saadaasha garoonka dayuuraddaha Hargeysa Marxuum Ibraahim Xasan Gamuute oo ka qeybgalay shirkii Asmara ee dalka Erateriya.
Marxuumka ayaa toogasho ay ku dileen ilaalada gaarka ah ee Daahir Riyaale Kaahin oo ku sugnaa xadka Somaliland iyo Jabuuti halkaasoo uu mas’uulkaasi doonayey inuu dhinaca dhulka ah uu ka soo galo magaalada Hargeysa xili uu diyaarad Asmara ka soo qaatay ay keentay dalka Jabuuti.
Ehelada marxuumkan ayaa ku tilmaamay falkaasi mid laga naxo oo dhan ka ah xaquuqda aadanaha, dhaqanka suuban ee Islaamka iyo xeerarka caalamiga ah, iyadoo ay sheegeen in falkaasi ay geysteen ilaalada gaarka ah ee Daahir Riyaale walow aan la cadeyn arintaasi xaqiiqdeeda.
Maamulka Samaliland ayaa horay ugu mamanuucay deegaanadooda ineysan imaan karin dadka ka qeybgalay shirkii Asmara oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid aanan quseyn iyaga isla markaana ay wafuuda iyo duulimaadyadooda aysan imaan karin garoomadooda iyadoo dhawaana ay ciidamadaasi xabsiga u taxaabeen ergooyin ka qeybgalay shirka oo doonayey iney safar dhulka ah ku galaan Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya kuwaasoo ay dib ugu celiyeen dalka Jabuuti




