Ma soomayaal cunto iyo qayilaad u fadhiyey maqaayad ku taala B/weyne oo xabsiga loo taxaabay
Dad ma soomayaal ah oo tiradoodu ay gaareyso ilaa 20 qofood ayaa maanta ciidamada Booliska ee magaalada B/weyne ay xabsiga u taxaabeen ka dib markii laga soo qabqabtay maqaayad ay ku jireen oo ku taala magaaladaasi iyagoo cunto iyo qayilaad u fadhiya xilli duhurnimo ah iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo cuntada iyo cabitaankuba ay xaaraan yihiin marka laga reebo dadka cudur daarka leh.
Dadkan la soo qabqabtay ee ma soomayaasha ah ayaa ahaa kuwo dhamaantood rag ahaa, iyadoo lala soo qabqabtay haweenkii lahaa goobta maqaayada ah ee maalinta soonqaad looga ganacsanayey cunto iyo cabitaan xaaraan ah, waxaana markii dadkan la soo qabqabanayey la socday guddoomiyaha maxkamadaa sare ee gobolka Hiiraan Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo sheegay in dadkan la marin doono xukunka shareecada Islaamka oo ah in lagu dhufto 35 jeedal, xabsigana loo taxaabo inta bisha Ramadaan ay ka idlaaneyso.
Horey ayaa maamulka gobolka Hiiraan uu mamnuucay in maqaayadaha cuntada bisil lagu iibiyo la furo bisha Ramadaan waana markii ugu horeysay ee ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ay talaabo ka qaadaan dadka ma soomayaasha ah iyo kuwa ka ganacsatada cuntada bisil maalinta soonqaad, waxaana arintani si weyn u soo dhoweeyey dadweynaha ku dhaqan magaalada B/weyne oo soo xusuustay Ramadaankii hore xilgii ay halkaasi ka talinayeen maxaakiimta islaamka Soomaaliyeed.
Copyright © 2007 Dayniile.com All Rights Reserved
Contact Us at:
dayniilecom@hotmail.com