(Muqdisho}27.9-7
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inuu socdo qorshe hubka lagaga dhigayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere iyo Kuxigeenadiisa oo Ciidamo iyo gawaadhi dagaal oo fara badan ku heysta Muqdisho.
Qorshahan hubka loogaga dhigayo Mas'uuliyiinta ugu sareysa Gobolka ayaa waxaa wada saraakiisha Ciidamada Ethiopia oo doonaya in ay xakameeyaan dhaq dhaqaaqa ballaadhan ee Ciidamada Maamulka Gobolka ka wadaan muqdisho,
Gudiga Ammaanka Qaranka ayaa iska fogeeyay eedeymo Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Ethiopia usoo jeediyeen, taaso ku aadaneyd in Ciidamada Ammaanka Magaalada ka wadaan qalalaaso.
Xukuumada Addis Ababa ayaa dhowaan shaacisay in ay Hubka ka dhigeyso Madaxda Gobolka oo Ciidamada ay wataan lagu sheego in ay yihiin kuwo beelahooda ka soo jeedaan, isla markaana dusha uga tuuray tacadiyada ka dhaca muqdisho.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa la sheegaa in uu Muqdisho ku heysto Ciidamo daacad u ah kana soo jeeda Beeshiisa kuwaasoo dhan 500 ciidan, Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Arrimaha Bulshada Dhagaxtuur iyo Ninka qaabilsan Dhinaca Ammaanka C/fataax Shaaweeye ayaa iyana la sheegaa in ay heysteen Ciidamo u daacad ah oo amnigooda si weyn u suga.
Dadka Muqdisho oo dhowaan ashtako xoogan ka keenay Ciidamada Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka ayaa waxay sheegeen in ay u dhaqmaan sida Maleeshiyaadkii, iyadoo ay caadi noqotay dhaca badheedhka ah ee ay geysanayaan.
Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada Ethiopia oo la gaadhsiiyay hab dhaqanka xun ee Ciidamada mas'uuliyiintaas ayaa looga codsaday in ay wax ka qabtaan, kuwaasoo la sheego in ay ka mas'uul yihiin barakaca dadka Muqdisho.
Ma cada ilaa iyo hada qorshaha Hubka loogaga dhigayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii awoodooda la wiiqay iyo Kuxigeenadiisa oo boqolaal Maleeshiyo ku heyb ah isla markaana dareyskii Ciidamada loo galiyay ku heysta Magaalada Muqdisho. .
:::Widhwidh Online News Desk Media Center




