Postby LiQaaye_TDH » Thu Sep 27, 2007 2:38 pm
Tartankii doorashada ayaa socda, ciyaartii ayaana bilaabantay, koox wallibana waxa ay soo xushay ciyaar yahannadii ay is lahaayeen, guul ayey soo hoynayaan. Dad weynihii kala taageerayeyna buuq, dammaashaad, is riix riix iyo loollan ayey bilaabeen. Qof wallibana waxa calooshiisa ka dhex shanqadhaysa yaan la idinka badin……!
BAR BARKAY KA BAXDAA WAA BAKAYLE QALEEN.
Haddaba bal si aan ula soconno hawlaha u diyaar garawga doorashooyinku halka ay marayaan, aan ku bilowno, Siiraanyo iyo Rayaale oo la filayo in ay faynalka isku soo hadhi doonaa halka ay kala marayaan iyo ka u dhaw guusha.
Udub oo uu wato Riyaale waxa kaalintiisa labaad ah Ahmed Yaasiin. Labaduba waxa ay ku caan bexeen wax qabad la’aan iyo diciifnimo aad u liita. Oo maamulkooda ka muuqda. Taageero waxa ay ka haystaan Jilibyo Ciise muusa ah iyo Habar Yoonis oo immiga la sheegay in ay kala faataxaysteen. Oo lagaba yaabo in ay Udub u kala jabot laba garab. Galbeedkana qaybo Sacad Muuse ah iyo Jibriil Yoonis oo weliba u kala jaban Riyaale iyo Abdirahman Aw Cali. Bariga fogna dagaallo ayaaba ka oogan oo war lagama hayo, laakiin reer Burco iyo maamulka Riyaale way kala huleeleen.
Kulmiye oo uu wato Ahmed M ( Siiraanyo ) oo la filayo in uu ku guulaysto musharraxa Madaxweynenimada Somaliland, waxa uu taageero xooggan ka haystaa bariga iyo galbeedka dalka. Ragga la filayo in ay maamulka sare ku soo bixi doonana waxa ka mid ah Ismail Muumin Aare oo ah aqoon yahan reer Nuur ah, culays badanna wata, iyo Ina Biixi oo isna la filayo in uu ku soo baxo wasiirrada cul culus ee qaban doona jagooyinka xasaasiga ah.
Haddiise ay u dhacdo in Siiraanyo ku xigeenkiisu uu noqdo beeshiisa Isaaq, markaa Kumiye wax taageera ah ka heli maayo galbeedka. Dhinaca beelaha haddii aan ka fiirinno taageerada uu ka haysto xisbigaasi…waa Habar Jeclo oo iyadu duuduub u taageersan Siiraanyo, reer Nuur oo wada socda, oo haddii saamiga ergooyinka qayb weyn laga siiyo isna tiro iyo tayaba sheegtay, Habar-awal oo boqolkiiba 60 ah, Maxad Case oo kala jabsan, Beelaha Habar Cafaan oo iyaguna la socda siyaasadda reer Nuurku hoggaaminayo, Adan Yoonis, Makayl dheere iyo Bahabar Cabdalle…! Hormoodkiisuna yahay aqoon yahanka reer Awdal ( Ismail Muumin ), aqoon yahankaasi oo ay guddida sare ee Kumiye iyo Siiraanyaba ay ku qanacsan yahiin, aadna u soo dhaweeyey Musharraxnimadiisa uu isku soo sharraxay Madaxweyne ku xigeenka.
UCID oo uu Faysal wataana haddii uu shaxda si fiican u cayaaro waxa dhici karta in uu bareejeeyo labada xisbi, laakiin sida la sheegay dhaq dhaqaaqa siyaasadeed iyo dhaqaalaha ayaa ku yar, waxanse eegi doonnaa wiigagga soo socda.