This is how the Dhullos media reported, hiding the identity of the conflict.
Afnugaal Exclusive:: Todobdii nin ee laga afduubtay deegaanka taleex oo la sii daayey
Warkii 29-Sep-2007 iyo Qormadii: c/qaadir gaabuush
Waxaa maanta lagu wareejiyey odayaasha degmada taleex ee gobolk Sool 7 nin oo oo ay hore u qafalatay maleeshiyo ka soo jeeda deeganka dhahar ee gobolka Sanaag ,ka dib dagaal laba beeleed ku dhexmaray deegaan dhuxusha laga gubo oo ka tirsan degamada taleex ee gobolk Sool..
Warkan oo caawa goor danbe khadka telefonka uu noogu xaqiijiyey masuul ka mid ah masuuliyiinta degmada taleex ayaa intaasi raacshay in ragaas ay hada ku sugan yihiin degamada taleex ayna caafimad qabaan..
Waxaa deegaanka baliyo oo k tirsan degamada taleex uu dagaal ku dhexmaray maleeshiyo beeleedyo ka soo kal jeeda degmooyink dhahar iyo taleex dagaalkaas oo sababay dhimasho laba qof iyo dhaawaca hal ruux sidoo kale waxaa dagaalkaas lagu qafaashay 7 qof .
Sii daynta raga la afduubtay ayaa waxa ay ka danbaysay sida uu afnugaal u xaqiijiyey mid ka mid ah masuuliyiinta taleex dadaal wada jira oo ay sameeyeen waxgaradka labada dhinac ee nabada jecel kaas oo markii danbe midha dhalkiisu noqday in si sharuud la'aana lagu sii daayo dhalinyarada la qafaashay..
Waxaa iyana hada socoto wada hadalo ku sabsan ragii dhintay iyo kuwa dhaawaca ah , taas oo iyana naloo xaqiijiyey inay meel fiican marayso ..
C/qaadir gaabuush
Afnugaal.com Exclusive News
gaabuush6@hotmail.com http://afnugaal.com/warka.php?num=3827