Postby XidigtaJSL » Sun Sep 30, 2007 8:35 pm
Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Ee JSL Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Ciidamada Somaliland Joogaan Laascaanood
Hargeysa(QRN)-Abaanduulaha Ciidamada Qaranka ee Jamhuurayada Somaliland Mudane Kornayl Ibraahim Caydiid Axmed oo uwaramayay idaacada ku hadashada afka Somaliga ee bbcsida ayaa sheegay inay magaalada Laascaanood uqaybsan tahay laba qaybood, kala tahayna dhinac taageersan Somaliland iyo dhinac taageersan Puntland.
Waxaanu Col:ku shaaca ka qaaday inaanu jirin ciidan beeleedyo soo gallay magaalada Laascaanood laakiin ciidamada soo gallay magaalada Laascaanood ay yihiin ciidamada qaranka Ee Jamhuuriyada Somaliland. Waxa kale oo uu sheegay inaanay ciidamada qaranku lakulmi wax iska caabin ah magaaladana kusoo galleen si nabada.
Waxa kale oo taliyuhu sheegay inay jiraan ciidamo labada dhinac ah oo wali isku horfadhiya meel toban kiilo mitir galbeed ka xigta magaalada Laascaanood oo lagu magacaabo Abeesalay. Ciidamada Puntland ee halkaas fadhiyaana maaha kuwo iska caabiyi kara ciidamada Somaliland, manna aha kuwo uqaybsami karaya inay ka dagaalamaan laba aag, taliyahahu waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay habaysanyihiin oo ay u tabo baranyihiin ilaalinta xuquuqal iinsaanka iyo iyaga oo u tababaran sugida amaanka guud ee meelkasta oo ay qabsadaan taliyuhu waxa uu sheegay ciidamada qabsaday Laascanood ay yihiin qaar u dhashay gobolka Sool iyo gaar ahaan magaalada Laascanood, taliyahu waxa uu ku nuux nuuxsaday in ay xukumada Somaliland ka go'antahay sugida xuduudka Somaliland, waxa aanu sheegay in gobolkani Sool ka mid yahay gobolada Somaliland, waxa uu sheegay in markii ay soo galayeen magaalada Laascanood ay ciidamadii Puntland ee ku sugnaa magaalada Laascanood ay is yidhaahdeen difaaca hase ahaate ay u taag waayeen isla markaasna waxa uu sheegay in dagaalkaasi iyaga hal askari uu kaga dhintay, ma uu sheegin khasaaraha soo gaadhay ciidamada Puntland ee iyaga halka askari ka dilay, waxa kale oo taliyhu sheegay in ay odayaal neeleedyo dhan ahi uu la kulmay isla markaasina ay kulankoodaasi wax macno lahi ka soo bixin, waxa uu sheegay in ay soo dawaynayaan odayaal dhaqameedka dhex dhexaad ay u arkaan, waxa aanu sheegay taliyaha ciidanaka qaranka Somaliland in ay ciidamadiisu nabad iyo dhiig daataba diyaar u yihiin waxa aanu sheegay in ayna dib uga laaban doonin magaalda Laascanood oo uu sheegay in uu u dhashay tahayna gobolkiisii.
Source Borama News