Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

SNM AND XISBIGA KULMIYE IS UNDER ATTACK

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

SNM AND XISBIGA KULMIYE IS UNDER ATTACK

Postby fagash_killer » Sat Sep 29, 2007 12:00 pm

Wasirka Warshadaha, Maxamed Salebaan Maxamed Ayaa Si Kulul Cay Iyo Weedho Qabyaaladed Ku Weeraray Hogganki Siyasad SNM Iyo Madaxda KULMIYE
Somaliland.Org — Hargeysa, Somaliland — 28 September, 2007
--------------------------------------------------------------------------------


Wasiirka Warshadaha, Maxamed Saleebaan Maxamed (Ina Saleebaan-weyne), ayaa si kulul cay iyo weedho qabyaaladeed ugu weeraray hoggaankii siyaasiga ahaa ee ururka SNM iyo madaxda xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.

Wasiirka Warshadaha, Maxamed Saleebaan Maxamed (Ina Saleebaan-weyne), ayaa si kulul cay iyo weedho qabyaaladeed ugu weeraray hoggaankii siyaasiga ahaa ee ururka SNM iyo madaxda xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, kuwaas oo uu ku tilmaamay qaar guuldarraystay oo aan dalka iyo dadka toona waxba ku soo kordhin doonin.

Md. Maxamed Saleebaan-weyne waxa uu sidaa kaga dhawaaqay xaflad ay shalay xilka kula wareegayeen masuuliyiin cusub oo xisbiga UDUB u doortay Gobolka Hargeysa.

Hadal dheer oo Wasiirku ka jeediyey xafladdaas oo ay ka muuqdeen weedho aad u qallafsan iyo weerar siyaasadeed aad u culus oo uu ku abbaaray madaxdii siyaasiga ahayd ee ururka SNM iyo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, waxa uu ku yidhi; "SNM waxay noqotay wax lagu gabraarto maanta, waxa la doonayaa in laga dhigo faras dooxo jooga oo marba inan yari meesha uu doono u toocsado, horena waan u sheegay SNM laba halgan ayey gashay oo kala ah mid hubay iyo mid siyaasiyaasi ah, kii hubaysnaa waynu ku guulaysan oo waataa aynu maanta ku fadhino, laakiin halgankii siyaasiga ahaa ee SNM kubka iyo bowdada ayaa lagaga jabay, kuwii hoggaaminayey ee dadka kubka iyo bowdada ka jaray waa kuwa maanta u aayey ee magaalada ordaaya.

1991-kii dawladdii Faqashtii ee dalkan ka talin jirtay iyo madaxdii SNM ahayd ee siyaasiyiinta ahaa isku maalin baa dalkan laga xorreeyey oo qoryaa la isla hortaagay oo Somaliland ku dhawaaqa ayaa lagu yidhi, miyaanay markaa kuwaa iyo faqash SNM maalin ka wada xorrayn, taariikhda haddayna siday tahay loo odhan oo aynu u xanbaarino ilmo xaaraan ah meel baynu ka dhacaynaa oo waynu gafaynaa.

Halgankii hubaysaa mujaahidiintii dalkan xorreeyey iyagaa abaal nagu leh oo aannu u mahad naqaynaa. Ku gabraatada ku gabraanaya SNM uma ogolin, SNM Somaliland bay dhashay, dadka oo la walaaleeyaa bay dhashay, dalka oo aynu u sinaanay bay dhashay, dawlad bay dhashay, dastuur bay dhashay, Madaxweyney dhashay, xisbiyey dhashay, in maanta tola'yeey ayaa ISAAQAY la isu geliyo ma aqbalayno, tola'ayeey maanta ma taalo, dalkani maanta cid u abtirsa uma baahna ee cid wax u qabata ayuu u baahan yahay, kuwa maanta qaylinayaan, waa kuwii ay ka aayo wayday ee afka laga saaray qori ee Somaliland ku dhawaaqa la yidhi.

Haddii Waraabe adhi u soo dhaco oo uu neef qaato, oo uu haragii neefka gashado oo adhigii dib ugu soo noqdo oo uu dhex fadhiisto, ma bahal baa mise waa neef adhiya?

Waar ayaan Waraabe shaadh ii soo gashan, oo ummad islaam ah may naan ahayn, waar miyaan taariikhi jirin oo nin walbaaba ma wuxuu doono ayuu sheegaynaa, nin waliba wuxuu gudo waa la yaqaanaa oo shalay dadku muu dhalan, bal akhriya gabaygii Hadraawi ee Gudgude.

Kuwaa maanta hadlayaa waa kuwii Hadraawi Qaaxo kaga quustay, waar dadkaa ayaan loo soo gashan hagar been ah oo aan xoolaha loo soo dhex raacin.
Waar maanta ayaan u qabyaaladeeyaa oo yaan u idhaahdaa tola'ayeey, oo yaan u Isaaqeeyaa, maxaa la ii gaystay oo maxaa dhacay? Illaahay baa halkan innagu wada abuuray innaga [Isaaq], Gadabuursi, Dhulbahante, Ciise, Warsangeli iyo dadka waddanka kuwada nool, dalkan ayeynu wada leenahay oo innaga dhexeeya oo waxa rag ku heshiiyaana waa heshiis.

1991 markii qoriga lagaga xoreeyey Somaliland ummad dhan oo hayaan ah siddeed sannadood ayuu inaadheerkay [Axmed-Siilaanyo] Guddoomiye ka ahaa SNM, meel alaala iyo meel uu ummaddaa ku waday ciddi ma waydiin, waar miyaad waydiiseen kuwii odhan jiray Isaaq baanu nahayow oo miyaad tidhaahdeen horta barigii xaggeed nagu waday, horta ciddi ma waydiisay? Waar miyaan qori la isla hortaagin oon la odhan ku dhawaaq Somaliland, waar maanta maxaa soo kordhay, harag baa la soo gashanayaa oo waa Wabaare xoolo cunay oo hagargii neefka soo gashaday, waxaan kaga baxayaa talo waa mar la garan waayo iyo mar la gaadhi waayo, waxaan maqlaa haddii doorashadu la dhigi waayo daaqadaha ayaa la idiinka soo dhacayaa baa la idinku yidhaa, anigu halkay joogaan ee ugu daran ayaan ugu galaa oo waxaan idhaahdaa Haatuu burkaanak, Hindi ma ihi ka yimi Bombay, ma ihi nin aan war hayn oo Wallaahi in aanay maalin iseegin.

SNM walaalkaygii hooyaday labadayada oo qudha dhashay, wuxuu ahaa kii ugu horreeyey ee SNM ku dhinta, Habar-jeclana uma dagaalamayn, Somaliland-na uma dagaallamayn ee Balli-cabbane ayuu ku dhintay walaalkay, ninka maanta iigu yeedha tola'ayeey Isaaq baan ahay oo Habar-jeclaan ahay. Oday Burco dukaan yar ku haysta ayuu nin u yimi wuxuu ku yidhi; ‘waxaad isiisaa koob shaaha iyo nus-rudal timir ah' intii markuu cunay ayuu yidhi; ‘iigu soo geli' odaygii ayaa ku yidhi; ‘Adeer waa kala xisaabe horta tii hore keen' waar waa kala xisaab oo maanta maalintii maaha oo SNM ma joogto oo dawlad bay dhashay oo xisbi bay dhashay, dimuqraadiyad bay dhashay, ee maaha tii shalay lagu kala hadhayey, oo yaan dadka been loo sheegin.

Wixii aad qarsataa wuu ku qarsadaa, toddoba sanno ayuu xisbiga KULMIYE la yidhaa shandad nin ku sitay, maantay dildilaacaysaa, waayo wax kasta oo baadil lagu dhisaaba baadil bay ku danbeeyaan, waanad arkaysaa inay kooxi leedahay waanu ka baxnay oo waanu ka noqonay, waayo markii hore ayaannu xalaal ahayn, xalaalna duhur baa la cunaa, god madow baa lala galay, godkii baa la isku cunay. Haddii adiga oo baqaya aad god gasho habeen madow oo ay Waraabaha iyo dhashiisii kuugu soo galaan, maad kala badbaadaysaan?"

Wasiirka oo ka hadlayey qaabka uu KULMIYE u xulay ergooyinka ka qaybgalaya shirweynihiisa labaad, waxa uu ku eedeeyey masuuliyiinta xisbiga inay dalka dib ugu celiyeen hab-beeleedkii laga soo gudbay oo dhaawac ku ah dimuqraadiyadda Somaliland ka hanaqaaday, waxaannu Maxamed Saleebaan ka dalbaday Xeer-ilaalinta Qaranka in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo jabisa qawaaniinta iyo shuruucda dalka u yaal.

Inkasta oo uu wasiirku badheedhihiisa sidaa u caddeeyey, haddana masuuliyiintii xisbiga UDUB ee munaasibaddaa joogay umay bogin weedhihii kakanaa ee ka soo yeedhay wasiirka, waxayna xubnahaasi saxaafadda ka codsadeen in aanay ka gudbin hadaladii wasiirka ka soo yeedhay.

Xigasho: Jamhuuriya

User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Re: SNM AND XISBIGA KULMIYE IS UNDER ATTACK

Postby fagash_killer » Sat Sep 29, 2007 12:04 pm

evryday we party like we won the elections Laughing


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 107 guests