Garaad Abshir Saalax oo Maleeshiyo Beeleed ku wareejiyay maamulka Puntland.
Warkii 29-Sep-2007 iyo Qormadii: Axmed C/laahi Binow
Garaad Abshir Saalax ayaa waxa uu ku wareejiyay maamul Goboleedka Puntland ee Somalia maleeshiyo Beeleed ku sugnayd toga waqdari maleeshiyadan ayaa waxa ay kamid ahaayeen maleeshiyo Beleedeyo halkaasi ku sugnaa maalmihii udanbeeyay.
Maleeshiyo Beeleedkan uu Garaad Abshir Saalax uu ku wareejiyay maamulka Puntland ayaa waxa ay timi kadib wada hadal lala galay saraakiisha haystay qayb kamid ah maleeshiyo Beeleedkan oo uu Garaad Abshir la yeeshay kadibna ay isku afgarteen.
Waxaa maalmihii udanbeeyay ka soconayay gudaha magaalada Laascaanood sidii loo furfuri lahaa maleeshiyo Beeleedkan oo loogu diri lahaa qof waliba meesha uu ka yimi taas oo in badan oo kamid ah ay suuroobi wayday halka qaarnay ay hir galeen.
Waxaa maanta ka dhacday guriga Garaad Abshir Saalax xaflad si wayn loo soo agaasimay taas oo ay kasoo qayb galay Garaad Abshir Saalax wasiiro, xildhibaano iyo waliba dad odayaal dhaqameed ah taas oo lagu wareejinayay maleeshiyo Beeleedkan.
Wasiirada halkaasi ku sugnaa ayaa waxa ay ahaayeen afar wasiir oo kasoo jeeda Gobolada SSC kuwaas oo kala ahaa Cabdilaahi timacade,Tamaad,Biindhe iyo waliba Axmed Aadan Carab.
Hadaba ugu danbayntii ayaa waxaa xaflada lagu wareejinayay maleeshiyada ka hadlay Garaad Bashir saalax oo ka waramay isaga oo la hadalaya maleeshiyada in lagu wareejiyay maamulka kana heli doonaan wax kasta oo ay xaq ulee yihiin oo uu kala hadlay masuuliyiinta Puntland waxaa sidoo kale ka hadlay wasiiro.
Axmed C/laahi Binow
Binow1@hotmail.com
info@afnugaal.com



