Maxaad Kala Socotaa Fadhataysiga Lagu Sameeyey Warshadii Sibidhka Ee Berbera, Oo Ka Mid Ahayd Warshadihii Uu Dhisay Kacaankii Barakaysnaa?!!!!
Sep 29, 2007 By:Cabdisamad Maxamed Jaamac
Qormada Maanta (Jidbaale.com) Waqtigii ay dawlada dhexe ee Maxamed Siyaad Bare ka calanwalaynaysey Soomaaliya, waxaa jirey mashaariic badan oo ilaa maantadan lagu xasuusto, dhanka gobolada Waqooyi waxaa ka mid ah wadada Dowga Sheekh ee u dhexeeysa Burco Ilaa Berbera, oo waliba qayb ka mid ah inta la kala shaxaaday, oo rag jeebkooda ku shubteen.....dhanka magaalada Hargeysa dhamaan meelaha ay uu maamulkoodaasi ka hawlgaloo dhami waa dhismayaashii dhidibada loo taagay waqtigii dawladii dhexe, sida guriga ay hada ugu yeedhaan Qasriga Madaxtooyada, waa gurigii Moorgan, meesha golahooda wakiiladu ku arinsadaan waa xaruntii guulwadayaasha.....
Hadaba hal qoraal laguma soo koobi karo waxyaabihii muuqday ee ay dawladii Maxamed Siyaad Barre u qabatay gobolada Waqooyi, siiba qolada gooni goosadku madaxmaray, oo ay si hagar la'aan ah wax ugu qaban jirtey, halkay dawladii dhexe qaarna iskaba ilowdaye, markaynu u soo laabano Warshada Sibidhka ee Berbara, run ahaantii markii la ogaaday inay jiraan buuro fara badan oo sibidh ah, waxay markaasi dawladii dhexe ee soomaaliya go'aansatay in warshad sibidh dalka laga hirgeliyo, dabadeedna waxaa laysla gartay in laga qotomiyo kobtaasi ay ku taallo, oo uu ilaahay dhigay buuro sibidh ah.....
Muddo yar gudaheed waxay bilowday inay dalka gudihiisa ka haqabtirto baahida sibidhka oo markaasi suuqa ka saartay kii qiimaha qaaliga ah dibada kaga imaan jirey, gees ilaa geesna waxay awood u heshay inay gaadhsiiso, oo weliba ahaa sibidhka tayadiisu aad u sareysey, aad na loo jeclaystey.....
Qiime Intee Le'eg Ayaa Ku Baxay Kicintii Warshadaasi?
Sidaan ka maqlay dadkii wax uga soo joogay, Qiyaastii waxaa ku baxday laba milyan oo doollarka maraykanka ah, dhismaheeda oo casri ahaa iyo qalabka warshada oo qaali ahaa, wuxuu suurta geliyey inay u shaqayso si habsami leh, waxaanay ku fadhiday dhul aad u ballaadhan, oo xitaa leh hoygii shaqaalaha, xafiisyadii iyo bakhaaradii sibidhka......hadaba warshada lacagta intaasi le'eg ay ku baxday, markii uu dagaalkii sokeeye qarxay waxaa markiiba furfurasho iyo bililiqo ku bilaabay qaar ka mid ah jabhadii dalka dumisey ee SNM (Soomaalida Neceb Midnimada).....
Muddo yar ka dib Qaybihii warshada ugu muhiimsanaa, waxaa la sheegay inay Diridhabe laga la soo jeestey, halkaasina ay ku gateen, qiima yar oo gaws dambeedka uun ahe, Yaa loo dhisayey markii hore? Yaase xil ka saarnaa ilaallinteeda? Yaase ka manaafacaadsan lahaa? Markii si kastaba loo furfurtay xitaa waxaa la waayey cid habar dugaagaasi yur tidhaahda.....mindhaa sidaas bayba ugu caana badinaysey!!
Maamulka Hargeysa Iyo Hadhaagii Warshada Sibidhka
Markii fadhatayskii dhamaaday oo wixii nafta lahaa casar dheer laga rartay, guri kale oo nin leeyahayna loo iibgeeyey, ayaa waxaa dhawaan dhacday in horboodaha maamulka iskii isu magacaabay iyo ku xigeenkiisa suufiga ahi waxay amar ku bixiyeen in hadhaageedana la feento....waxaanay ogolaansho u siiyeen shakhsiyaad ay ku heshiiyeen inay sunuuda badhkooda u keenaan, kuwiina saacad gudaheed bay sida ayaxa diirteen…....
Balse xaalkan oo la moodayey inuu noqon doono mid qarsoodi ah lagu dhamaysanayo, ayaa mar qudha dibada u soo booday, waxaana laga war helay in warshadiiba tuurta la saartay, shixnadii u dambayseyna markab uu ku sugayo dekada Berbera, dabadeedna dad yar baa damcay inay qayqyaliyaan, kuwiina waxaa u baxay mid isna wasiir sheeganayey oo xantoobo jeebka loo soo geliyey, marka wadaniyada ay sheegtaan waa mid noocee ah?!!! Ma hantida Ummaadaada dhac baa?!! Ma dadkaaga daacadnimo tus, dhabarkoodana wax ku bililiqaysabaa? Mise Riyadii iyagoon seexan tustay goosadkaa meeshana la soo gashay?!! Kolay waa yaab….
Teeda kale sow wax laga fajaco maaha hadii warshadii dhamayd ee qiimahaasi ku fadhiday, ay noqotey waslad hilib ah oo laba waaxood loola kala booday, waax diridhabe ka eeg waaxdii kalena dubaay ka eeg........ Marka wadaniyada ay sheegtaan waa mid noocee ah?!!!!........
Akhristow hadaba hadalka halkiisaa loogu tagaaye, dadka sidaasi wax u diiranaya, hanti ummadeedna dani ka haynin, bal ka waran haday ku doodaan Taywaan waa la aqoonsaday, sow yaabkeeda malaha?!!! Dadka xidid fujinta ku sameeyey warshadii sibidhka ee Berbera, Miyaa dad noolna u daahaya?!!! wadanimada ma waxay u yaqaan dalka dumi waxaad diiran kartidna diiro, cidna ha u daba fadhiisan, wixii aad cantuugaysid…....
Runtii waa wax aad iyo aad looga ooyaa sida foolxumada leh, damiir xumada leh, damac gaabnida leh, maalin dherega uun leh, ee gunta looga jaray warshadaasi oo haday daysan lahaayeen ay maanta u aayi lahaayeen, laakiin waxaa kala mug weynaatay waxoogaaga sarifka ah ee ay kula soo heshiiyeen, kuwa warshadaha ku leh wadamada carabta, oo ka faa’iidaysana diiratan ma xishootada ah, halkee caalamka lagu arkay shakhsi ay waxaasi ka suuroowdo?!!!
Mashruucan fadhatayska ah wuxuu ahaa mid muddo dheer socday, oo wixii bir ahayd oo dhan lagu rarayey maraakiib loo soo ijaartey, halkay ahayd in la dhowro hantida ummada, waxayba ka doorbideen inyar ee maalin dagaalka ah, yacni inta yare ee jeeb ku ridashada ah, waxay halkaasi isku sifo ka wadaagaan qabqablayaashii Muqdisho oo iyaguna doorkooda, meel walba feentay........
Erayga ugu dambeeya ee aan leeyahay waxa weeye, ogaada kis yar oo aydaan si xalaal ah u tabcanin calooshiinay u daran tahay, inaad ku sii walaftaan mooyee, haba u fadhiyina inaad madhaxsataan, waxbana idinkuma aha inaad shacabkiina ku tidhaahdaan Warshadii Sibidhkaanu dhisaynaa, ilayn mar walba meesha dantiinu ku jirtaad eegataane, kala daaya wadaniyiin baanu nahay, habeenkiina waanu furfuranaynaa?!!, kala daaya dimoqraadiyad baanu qaadanay kii hadlana waanu xidhaynaa?!!, kala daaya waana la dulmiyey idinkuna waad ku adeeganaysaan?!!, kala daaya qaran baanu nahay qabyaaladana waanu ku adeeganaynaa?!!, Mise xaalkiinu wuxuu isugu biyo shubtay Waxnaa Aan Qalano Mindiyahana Aan Qarsano!!!!!…..
Cabdisamad Maxamed Jaamac
geesinimo@yahoo.com





