Muqdisho: Dowlada Faderaalka ee Soomaaliya oo ciidamo iyo Dhaqaaleba ku taageertay Maamul gobaleedka Puntland.
30. september 2007
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
Print This Article | Daabaco warkaan
Muqdisho(AllPuntland)- Golaha wasiirada ee dowlada faderaalka ee Soomaaliya oo shalay shir waqti badan qaatey ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxyaabo badan kaga hadlay.
Goluhu waxa ay dhageysteen warbixino ay soo gudbiyeen wasaaradaha arimaha gudaha iyo gaashaandhiga kuwaasoo ku aadanaa dagaalada uu wado Maamulka gobalada Waqooyi galbeed isla markaana waxa ay canbaareeyeen dhamaanba talaabooyinka dagaal ee Maamulkaasi.
Golaha wasiirada ayaa ugu baaqey maamulka Daahir Riyaale Kaahin in ay joojiyaan colaadaha ay ka abuurayaan deegaanada laascaanood iyo gobalada ku xeeran ayadoo sidoo kale wasiiradu isku raaceen in talaabo laga qaado dagaalada gardaradaa ee ay soo qaadayaan Ciidamada Maamulka gobalada Waqooyi galbeed.
Wasiiru dowladaha arimaha gudaha Max’uud Sayid Aaden ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo ka socda dowlada Soomaaliya loo diray gobalada Puntland ayadoo dhinaca dhaqaalaha Puntland wax laga siinayo ,maadaama ay ku jirto dagaalo ay soo qaadayaan kooxo ka soo horjeeda Israaca umada Soomaaliyeed.
Maxamuud Sayid Aaden ayaa sheegay in Puntland ka mid tahay Maamul gobaleeyada gaaray guulaha la taaban karo gacana siiyey dowlada Soomaaliya oo ku taageeray dhaqaale iyo Milateri intaba waqtigan hadii ay soo foodsaartay xaalad dagaal la siinayo gacan Milateri.
Talaabadan ay qaadatay dowlada faderaalka ee Soomaaliya ayaa soo aaday ayadoo maalmihii ugu danbeeyey xiisado colaadeed ka jireen deegaanada gobalka Sool qaar ka mid ah xiisadahaasi oo qabanqaabinayeen Maamulka gobalada la baxay Somaliland.
Faarax C/qaadir Geylan
AllPuntland






