Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

EX- BANAADIR, NEW BANAADIR IYO QOWMIYADA BANAADIRI

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

EX- BANAADIR, NEW BANAADIR IYO QOWMIYADA BANAADIRI

Postby Hiiraan boy » Sun Sep 30, 2007 12:34 pm

Inta aan billabin mawduucayga, waxaan rabaa inaan idiin soo bandhigo tix Banaadiri ah oo ina tusinaysa sida dad ka Banaadir ay u jecel yihiin in loo soo martiyo, martidana ay u karaameeyaan:

"MarkaCadey waaye minin Aaw Cusmaan. Martidii moodo munaafaq waaye; ee marti minin kaa maniis yimaad, wa la muuneyaa. Mashaqo iyo madfac mowle iniis keeno, waa loo mahdiya. Martiile iyo musaafarna mundul kooda ma moogaane. "

Waxaan raba inaan wax ka iraahdo qoraalkii horay loogu soo daabacay www.markacadey.net taasoo aan is iri waxaa ku jira wax badan oo aan diidanahay, aan u arko meel ka dhac iyo muujin cunsuri nimo oo lo geestey Gobalka Banaadir oo lagu til maamey "Ex- banaadir". Waxaan rabaa inaan saxo walaal kay oo horay wax uga qoray wax uu ugu yeeray "Ex-Banaadir .

Isla mar kaas na, waxaa ii muuqata inaan loo baahnayn waxa lagu magacaabay "Ethnic Minority Protection." Reer Banaadir uma baahno in gooni gooni laga sii dhigo, waxay rabaan inay ahaadaan qow miyad degen gobal kooda, oo dad ka kale isku xuquuq ah, walaalo ah, oona la siman. Uma baahno wax takooraaya in loo sameeyo. Maxaa dhacay Reer Banaadir iyo Somalida kale oo deriska la ah waa isku diin, isku luqad ah, iyo xataa dhaqanka guud oo aan wadaagno. Sidaas awgeed maxa looga baahan yahay "Ethnic Minority Protection? Ma ayagaa dhahay waan raabnaa sidaas, misa aragti dooda ayaa sidaas ah? Ma lays weydiiyay waxaas in loo baahan yahay? Maxaa loola dhaqmaa inay yihiin dad kale oo leh diin kale, sida Buudiisam, Kiristiyaaniti, Juudiisam, Tooyiism iyo wax kale oo la mid ah.


Taas markaan ka baxo, waxaan galaa arrin taariikhi ah: Reer Banaadir waxay aad u soo dhaweeyeen dad kii abaaraha laga soo raray 1970 kii. Dad kaas oo laga keenay dhul dhib badan oo qarax ah oo Madaxweynihii Kacaanka Oktober uu ku fikiray in dad kaasi la dejiyo dhul barwaaqo ah oo ay la qeybsadaan Reer Banaadir. Dad kaas waxaa la dejiyay carro barwaaqo ah oo webi Shabeelle uu dhinac ka maraayo, dhinaca galbeed na uu maraayo Webi Juba. Dhul kaas waa Banaadir (Shabeelada Hoose oo mar dambe loo bixiyay). Xoololaydaas ama (ama dheh Lama Goodle) waxaa la dejiyay ka gadaal markii la soo rarey 1970 dii Kurtun Waarey, Sab Laale, Dujuuma, Marka iyo Baraawe. Hasayeeshee danti laga lahaa oo ahayd is dhexgal (Integration) ma dhicin. Dantii laga lahaa barnaamij kaas ma suurta galin.

Sida hadda aniga aan qabo (Integration = Is dhex gal), waxaa mar hore qabay Madaxweynihii Kacaanka, Jeneral Maxamed Siyaad Barre. Taasi oo lagu tilmaami karo wax qobad ka ugu weyna oo noo sameeyey Allah u naxa. Siyaad Barre wuxuu aaminsanaa in xalka uu ku jiro "integration" waqti la siiyo isdhex-gal ka shacab ka Somalida, ayagaaba ka hari doonee qabiilka. Waddadaas oo kali ah ayaa lagu gaari karaa guul iyo hor-umar, iyadoo sideeda gobol ay isdhex galayaan.

Tallaabada xigta markii la gaaro ( general integration ), ayaa ay iska imaan la heed inay Somalia laga dhigo Federal. Waxaan aad u xasuustaa, iyadoo isdhex-gal ka iyo sinnaanta la faaninaayo, ayaa Reer Banaadir waxay Shirta ku dheheen, "Jileec iyo jareer jin ka dhigoow Jaalle Siyaad."

Heestaasi waxey ka dhigneed inow ku dadaaley sinnaanta Umadda Somaliyeed. Laakin nasiib daro, dad kii la so rarey oo kooytada ahaa, meeshi aay ku sameen lahayeen is dhax-gal, waxey sameyeen kala fogaasho. Taasi ayaa keeni karta is naceeb ka iyo kala saarida jinsiga misa isticmaalka qabiilka. Nasiib daro taasna waxey dhalisey in dad ka wili illaa iyo hadda aan fahmin dhaqanka, gabayada iyo ereyada Banaadir iyo dad ka ku abtirsadaan,

Hadda 47 sano ka bacdi Somalia markay xor ahayd, ayaan annaga diyaar waxaan u nahay dad ka inaan fahamsiino dadka Reer Banadir inay weligood ay ku haminaayeen nidaamka "isdhex-galka" uu yahay xalka arrimaha Somalia, ayna ahaynin in Somalia gobol gobol oo ku salaysan qabaail inay lagu hormari karo. tariikh da Gobalka Banaadir.

Sidaas daradeeda, ayaan waxaan leeyahay inuu Gobolka Banaadir uu aad uga heer sarreeyo maamul goboleedyo qabiilka ku salaysan, oo aan aragno Isdhex-galka inuu xal yahay, laguna hor-umarin Gobolka Banadir. Midda kale Gobolka Banaadir waxuu la mid yahay gobollada kale, wax gooni ah uma baahno, sida "Ethic Minority Protection" oo horay loo soo jeediyay. Dadka deggan Banaadir waxaa ka go'an in lagu magacaabo oo ay ku caan yihiin " R E E R B A N A A D I R I ". Magacaas oo kali ah ayaa lagu yaqaan oona loo ga Y E E R AA.


Dhinaca kale magaca Banaadir waa magac aad u da'weyn oo taariikhi ah. Wuxuu soo jiray in badan, dad kiisana way u naxaan, weyna ku abtirsadaan. Aad iyo aad ayay u jecel yihiin in Banaadir weligeed ay ahaato gobolka Somalia laga hoggaaminaayo hadday tahay siyaasad ama dhaqaale. Reer Banaadir marnana ma oggolaanaayaan inay magacaas uu muuqaalka ka baxo. Gobolkaan oo lagu tilmaamey gobalada ugu qadiimsan, uguna fac weyn, oona taarikh dheer ah leh ayaa sharaf waxay u tahay Reer Banaadir isaga inay sami la noqdaan, oo gobol kooda lagu magacaabo Banaadir, dad kiisna la dhaho Reer Banaadir.

Dad ka Reer Banaadirina waxa caan ku yihiin " Alla ka cabsi iyo nabad jeceel ". Willigooda, qori ma qaadan, willigooda wax ma dilin, waxna ma dhicin, waxna ma kufsan; dadna ma ku abuurin barakac iyo halaak, willigooda dadna ma afduubin ! Intaasi dhibaato ayaa so mareen qowmiyada Banaadiri waxaana u si dheer Bur-bur oo loo geestey gobal kooda ee Banaadir iyo guryahii ab-ka-ab dhisnaa oo "heritage" ka ahaa.

Dhaqanka Reer Banaadir waa dhaqan aad u gooni ah oo ka duwan kan gobolka Hiiraan. Dhinaca dhaqan wadaaga, haddaan ka qaadano, tusaale ahaan Banaadir iyo Hiiraan, runti isku dhaqan ma aha, isku lahjat ma aha, isku xirfado ma aha.

Dadka Banadir xoolo ma dhaqdaan; waxay na ku xiran yihiin badda oo ay ku safraan, oo ay kala soo baxaan malaayga. Xataa ka soo qaad, dad ka ay deriska yihiin, sida Xamar Daye dadka deggan, caadadooda way ka duwan tahay tan Reer Banaadir ka.

Dhinaca qabiilka, dadka Reer Banaadir mar horey ayaa ka gud been ku dhawaaqa qabiilka, waxey isku so yeeraan magaca gobal kooda, sida Reer Marka, Reer Xamar, Reer Banaadir, Reer Baraawe, Reer Jilib iwl. Sidoo kale, waxaan rajaynaynaa in laga gudbo sheekada Ex-Banaadir oo loo gudbo the New Banaadir madaama caalamka maanta oo horey u socday. Ex-banaadir waxey u baahan tahay in dib loo dhiso, mar labaad oo laso celiyo sharaf teeda iyo quruxdeeda.

Waxaan ku soo gabagabaynaa caalamka waa socday, horay ayaa loo maray, qabiil waxaa dhaama is-dhex-gal (integration), Ex-banaadir na waxaa dhaanta "the New Banaadir". Fikaradda Ex-Banaadir na layska dhaafo. Haddi magaca Ex- Banaadir loo dhaafana taasi wax ba ka majabna.

Markaan dhisayno Banadir ka Cusub, ama "New Banadir" waxaa rabnaa inaan xooggayna isu geyno, maalgelin raadino, ka dibna dhisno Banadir ta cusub oo sharafta leh. Banadir ta cusub waxay u baahan tahay juhdi badan, maal badan, tawfiiq badan iyo Allah tawakal. Hadda gobolka aad ayuu u burbursan yahay. Waxaan rabnaa Banadir ta Cusub inaan ka dhigno sida gabar aroos ah: mar ka hore in la soo koriyo, la soo dhiso, ka dib na cambuur fiican loo geliyo, taaj dahab madaxa loo saaro, abaal marin heer sare loo dhigo, ka dibna magaca cusub aan ugu YEERNO: " N E W B A N A A D I R " Inshaa Allah way dhacaysaa sidaas.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 105 guests