Warar isi soo taraya ayaa sheegaya in Gawaarida dagaalka Tiknikada loo yaqaano ay sameysanayaan Xoogaga kasoo horjeeda dawladda Federaalka Somaliya kuwaasi oo maalmihii ugu danbeeyay diyaar garow ka dhan ah dawladda Somaliya.
Gawaarida dagaalka Tiknikada loo yaqaano ayaa waxaa ay ku qarsanayaan meelo kala duwan oo kamid ah Muqdisho iyo banaankeeda kuwasi oo ay qarsanayeen qaar kamid ah beelaha ku fekerka ah Maxaakimta Islaamka.
Waxaa la sheegayaa in iminka go'aan lagu gaaray si toos ah in ay gawaarida dagaalka uga qeyb qaataan dagaalada ay la galaan Kooxaha Hubeysan Ciidamada dawladda iyo kuwa dawladda Itoobiya.
Gawaaridaasi dagaalka oo Zuu,Dhashiike iyo BTM ay u badan yihiin ayaa kaliya lagula dagaalami karayaa Ciidamada dawladda maadaama ay Ciidamada Itoobiya awoodaan in ay gubaan gawaaridaasi.
Si tartiib tartiib ah ayaa bilihii ugu danbeeyay waxaa usii xoogeysanayay sare u kaca howlaha ka dhanka ah Ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya iyadoona mucaaradka dawladda uu kusi badanayo Muqdisho.



