Sheekh Xasan Turki:- "Dalka Somalia kama jirto Dowlad, waxaana Talada gacanta ku haya Jeneral Gabre oo Ethiopian ah..."
Muqdisho, Axad , September 30 2007 SMC
Sheekh Xasan C/llaahi Xersi “Shekh Xasan Turki”, oo ka mid ah xubnihii Guddiga Shuuradda ee Golaha Maxkamadaha Islaamka, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey sababihii uu ugu biiray GMIS, dagaalladdii uu ka qeyb galay iyo Aragtidiisa ku aadan inay Maxkamadaha wada-xaajood la galayaan Dowladda Federalka Somalia.
Sheekh Xasan Turki, oo xalay lagu wareystay Barnaamijka Kulanka Maanta “Lakhaa Alyoom” ee Kanaalka Afka Carabiga ee Telefishinka Aljazeera, isagoo ku sugan dhul-kaymeedka Koonfurta fog ee dalka Somalia, ayaa sheegay inuu Golaha Maxkamadaha Islaamka xiriir la sameeyey , kadib, markii uu Sheekh Xasan Daahir Aweys dood kulul la galay Bashiir Raage, oo xubin ka ahaa Isbahaysiga Argagixiso-la-dirirka.
Computer Schools and Colleges Directory
“Waxaan Idaacadda BBC-da ka maqlay Sheekh Xasan Daahir oo ku gacan-sayray Bashiir Raage oo igu tilmaamay inaan ahay qof Argagixiso ah, kaasi oo aan aad uga carooday, iyadoo uu Sheekh Xasan sheegay inaan ahay Muwaadin Soomaali ah, waxaana go’aansaday inaan Ciiddamaddayda ku jiray Xeradda Tababarka Raas Kambooni ku soo biiriyo Dagaalyahannadda Maxkamadaha Islaamka” ayuu yiri Sheekh Xasan Turki, oo intaasi ku daray:- “Waxaan ogaa haddii uu Bashiir Raage ka guuleysto Golaha Maxkamadaha inuusan aniga I dhaafi doonin oo uu igu imaan doono Deegaanka Raas Kambooni”.
Sheekh Xasan Turki, waxa uu sheegay in wixii xilligaasi ka dambeeyey inuu u soo dhaqaaqay magaalladad Muqdishu, isagoo watay 21-Tekniko ah, isla markaana uu dagaal Maleeshiyaddii Bashiir Raage kula galay Degmadda Kaaraan ee Waqooyiga magaalladda Muqdishu, kana soo furtay hub fara badan, waa sida uu hadalka u yiri.
Mar wax laga weydiiyey inay Dagaalyahannadiisa ka qeyb-galeen dagaalladdii dhex maray Hoggaamiyayaasha dagaalka iyo GMIS, waxa uu qiray inay ka qeyb-galeen xitaa dagaalladdii ugu dambeeyey eel ala galay Maleeshiyooyinka Kornel Cabdi Qeybdiid, isla markaana ay dagaalyahanno badan kaga geeriyootay, halka ay kuwo kalena si nabad ah ugu soo laabteen Degaanka Raas-kambooni.
Sheekh Xasan Turki, waxa uu sheegay inay Ururka Al-qaacida qeyb ka yihiin jirkiisa, maadaama ay isku hadaf yihiin, wuxuuna iska fogeeyey inuu yahay argagixiso yahay, isagoo tilmaamay inay Maraykanka, George Bush iyo Ciiddamadiisa yihiin Argagixiso ee doonaya inay qabsadaan dalalka Somalia, Lubnaan, Ciraaq, Afganistan iyo Falastiin.
Mar wax laga weydiiyey inay Dagaalyahanno shisheeye ah ka qeyb galeen dagaalladdii ay GMIS la galeen Hoggaamiye Kooxeedyaddii iyo Ciiddamadda Ethiopianka, waxa u usi aan gambasho lahayn u qiray inay jiraan dagaalyahanno Ajaaniib oo ka barbar dagaalamay Dagaalyahannadda GMIS, waa sida uu hadalka u yiri, wuxuuna sheegay inaysan dadka Muslimka ahayn Ajanbi, isagoo soo qaaday Aayaddo Qur’aanka ee ah “ Ina mal muuminuun Ikhwa, fa’aslixuu Bayna Ikhweykum” iyo Xadiiska Nebigeenna Muxumad Calayhi Salaatu Wasalaam ee ah:- “Al-muslim Akhul-muslim”.
Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu hoosta ka xariiqay inay dagaalyahanno aan Soomaali ahayn ka barbar dagaalameen Golaha Maxkamadaha, oo qaarkood shahiideen, qaarkood maxaabiis ahaan loo qabsaday iyo kuwo kale oo weli la safan Dagaalyahannadda Maxkamadaha.
“Haddii uu C/llaahi Yuusuf ciiddamo Maraykan iyo kuwo Ethiopian ah keenay dalka Somalia, maxaa inoo diidayo inaan Walaalaheenna Islaamka u yeerano, si ay inoo taageeraan?” ayuu yiri Shekh Xasan Turki, oo dhinaca kale sheegay inay dejiyaan Istaraatijiyad dagaal oo ay la galayaan Ciiddamadda Ethiopianka ee haysta Baydhabo, Beled-weyne iyo deegaanno badan oo ka mid ah gudaha dalka Somalia.
Sheekh Xasan C/llaahi Xersi “Xasan Turki”, waxaa kaloo wax laga weydiiyey qaabkii uu uga badbaaday Duqeyntii Diyaaradaha dagaalka ay ku qaadeen qeybo ka mid ah Goballadda Jubbooyinka, waxa uu sheegay inu u Fadlga Ilaahay ku badbaaday iyo muhiimadda Deegaanka uu joogo oo uu xusay inay leedahay ahmiyad Isrtaraatijiyadeed.
Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu sheegay inuu ku sugan yahay deegaan 700-Km u jirta xuduudka dalka Kenya, ama 500-Km xuduudka dalka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri, wuxuuna xusay inaysan ka baqaynin duqeynta diyaaradaha, maadaama uu dhulki kaymo badan iyo biyo leeyahay.
Mar wax laga weydiiyey dagaalladdii ugu xumaa ee ay la galeen Ciiddamadda Ethiopianka, waxa uu sheegay inay labo iska horimaad oo aad loogu riiqmay kula galeen Degaanka Kul-biyow iyo goob aan ka fogeyn, wuxuuna sheegay inay ku dileen ugu yaraan 25-Askari, waxaana maydadkooda lagu daadgureeyey diyaaraddo, waa sida uu hadalka u yiri.
Dhinaca kale, Wareysiga uu Sheekh Xasan Turki siiyey Kanaalka Afka Carabiga ee Telefishinka Aljazeera waxaa lagu weydiiyey haddii ay Maxkamadaha kulamo la-tashiyo ah la yeelanayaan DFKMGS, waxa uu tilmaamay inaysan wax Dowlad ah oo ay aqoonsan yihiin ka jirin dalka Somalia, isagoo Madaxda Dowladda ku tilmaamay kuwo u adeegayo Maraykanka, Yuhuudda iyo Ethiopianka, waa sida uu hadalka u yiri,
Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu sheegay inuu Taliyaha Ciiddamadda Ethiopianka, Jeneral Gabre gacanta ku hayo Xukunka dalka Somalia, isagana lagala xaajoodo arrin kasta, waa sida uu hadalka u yiri.
“Waxaan Wada-xaajood la galaynaa Jeneral Gabre, wada-hadalkeenana waxa uu noqon doonaa rasaas iyo madaafiic, waxaan weeraradeenna ku ekeysiinaynaa Ciiddamadooda, oo aan ugu dambeyntii ka wada takhalusi doono” ayuu yiri.
Sheekh Xasan Turki, waxa uu ku tilmaamay dagaalladda haatan socda inay tahay Maslaxadda Shacbiga, isla markaana ay GMIS ka go’an tahay inay Ummadda dib ugu soo celiyaan Nabadda iyo Sharafta ay haysteen 6-dii bilood ee ay Maxkamadaha talada hayeen, waa sida uu hadalka u yiri.
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia






