8 askari oo puntland oo ku dhimatay laascaanood iyo Garaad C/salaan oo baaq hada ka soo saaray Dubia
Warkii 01-Oct-2007 iyo Qormadii: C/qaadir gaabuush
Waxaa is taagay dagaalkii ka socday magaalada laascaanood in kastoo xabada laga maqalayo abeesalay iyadoo ay ciidamada maamulka puntland gabi ahaanba baneeyeen magaalada laascaanood oo ay gacanta si toosa ugu hayeen mudo 5 sano ah
Waxaa saacad ka hor ku geeriyooday bartamaha magaalada laascaanood 8askari oo ka mid ah kuwa puntland geeridaas oo timid ka dib markii laba gaadhi oo kuwa dagaalka ah oo isla ciidamada puntland leeyihiin ay isku geleen goolada laamiga laascaanood shilkaas oo sababay dhimashada 8askari iyo dhaawac aad ubadan oo aan wali la xaqiijin tiradiisa.
Labada gaadhi ayaa la sheegay in midi ka soo baxay dhinaca dagaalka uuna ku jehaysnaa garowe halka ka kalena ka yimid dhinaca bariga magaalada uuna sida askar gurmar ah..
Magaalada laascaanood ayaan hada cid gacanta ku haysaa aanay jirin walow ay koonfurta magaalada hada roondo ka wadaan maleeshiyo beeleedkii hore u joogay kuwaa soo saaka dagaal ba'an la galay ciidamada darwwiishta puntland maleeshiyadas oo taageero ka helayso maamulka Somaliland .
Dhinaca kale Garaad C/salaan xassan oo ka mid ah isimada magaca wayn ku leh deegaanada Sool,Sanaag Iyo Cayn ayaa baaq deg deg ah oo shabakada www.afnugaal.com hadeer soo gaadhsiiyey ugu baaqayaa dhamaan siyaasiyiinta beesha dhulbahante inay ka shaqeeyaan sidii dadka iyo maatadu u badbaadilaheeyeen
Garaadka oo hada ku sugan dalka Isutaga Imaaraadka carabta ayaa intaasi raacshay in uu ugu baaqayo beesha dhulbahante in ay la timaado talo midaysan oo lagaga badbaado mashaqada maanta ka taagan laascaanood..
Garaad C/salaan Xassan oo ka mid ah isimada had iyo goor isku daya xalinta mashaqada laascaanood ayaa ugu danbayntii kusoo gunaanaday baaqiisa sida tan"Waxaan leeyahay dhulbahante waa mid midnimo ayay wax ku yahay cid kalegeed wax ah ma jirto ilaahay waxaan ka baryayaa in dadkeena iyo dalkeenaba uu badbaadiyo ,waxaa kale oo aan leeyahay waa bishii barakaysnayd ha la joojiyo dilka iyo colaada..::
C/qaadir gaabuush
Afnugaal.com
Gaabuush6@hotmail.com
+256774833715