WALLE TODAY WHOLE WORLD NOWS HOW SMALL AND WEAK PUNTLAND IS
BAL AKHRIYA
Laascaanood oo gacan heynteeda ay la wareegeen ciidamada Soomaalilanda
Laascanood
Sida ay sheegayaan warar madaxbanaan in gacan ku heyntii magaalada Laascaanood isbadashay kadib dagaal qaraar oo halkaasi ka dhacay iyadoona dagaalku uu bilaaday maanta duhurkii kadib markii ay hugunka madaafiicda mar qur ah ay is qabsatay taana ay keentay in is saacdo gudahooda ay is badasho gacan ku heyntii magaalada laascaanood oo mudo ay isku heysteen laba awoodood midna ay dhalyo wadaagto halka mida kalana ay la wadaagto deegaan.
Dagaalka oo xoogeytay ayaa keentay in ciidamadii Puntland ay isaga cararaan jiida hore ee dagaalka iyagoona sida la sheegay firxadkoodii uu gaaray magaalada Garoowe oo wax sidaas ah aan u jirin degmada Laascaanood
Ciidamada Punland iyo Soomaaliland ayaa in dhawaalo isku hor fadhiyey deegaankaasi taasoo keentay dadka deegaanka Laascaanood ay ka soo wajahday dhib badan oo isugu jira mid dhaqaale iyo mid nafba.
Xaalada magaalada Laascaanood ayaa xiligaan dagan iyadoona magaalada Laascaanoodna ay gacanta ugu jirta taageerayaasha Soomaaliland wali waxaa jira cabsi dagaal oo laga yaabo in ay soo rogaal celiyaan ciidamadii Puntland ee looga awood roonaaday dagaalkii Maanta
Xafiiska wararka ee , Qaahira Masar
dayniilecom@hotmail.com



