Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa gacan birra ku qabtay gebi ahaan Magaalo Madaxda Gobolka Sool, Laascaanood.
Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo uu horkacayo Kornayl Ibraahim Caydiid Axmed ayaa gacan birra ku qabtay gebi ahaan Magaalo Madaxda Gobolka Sool, Laascaanood.
Qabsashada ay qabsadeen Ciidanka Somaliland magaalada Laascaanood ayaa ka danbeeysay markii maanta barqadii maleeyshiyada maxaysatada majeerteeniya ay si ula kac ah ugu dileen nin shicib ah magaalada laascaanood.
Warar aanu ka helay magaalada ayaa sheegaya in maleeyshiyadii maxaysatada majeerteeniya la gaadhsiiyey waxyeelo wayn, taasoo oo sababtay inay markeliyaa ka yacaan magalaada laascaanood. Kala yaacii iyo firdhadkoodina waxa u sababay inay baabuurtoodii qaar ka mid ah isku jiidhaan dabadeena ku qalibmaan gudaha magalaada laascaanood halkaasoo ay kaga dhinteen maleeyshiyo farabadan oo islaha dhamacda baaruuda Ciidanka Somaliland ka carara.
Sida ay ku soo waramayaan dad goobjoogayaal ahi maleeyshiyada majeerteeniya ayaa baabuur farabadan laga gubay iyagiina waxay noqdeen wax xabadu leefto iyo wax yaaca. Inkastoo aan weli qiyaas dhaba laga hayn intay dhantahay dhimashada maleeyshiyada majeerteeniya hadana waxaa la soo sheegayaa in inta la hubo ilaa iyo 35 meyd la arkayey.
Dhinaca kale Gudoomiyaha gobolka sool Mr Cali Sandule ayaa maanta dadweyanah kala hadlay meel fagaaraa isagoo ugu baaqay dadka ku dhaqan magaalada laascaanood in ay ilaaliyan nabadgelyada cali sandule waxa kale oo uu ugu baaqay dadweynaha kudhaqan magaaladaasi in ay is dajiyaan isagoo sheegay in aanay wax cabsiyi jirin maamulka magalaada la waregayn uu yahay dadkoodii.
Ugu danbayntii magaalada ayaa degan iyadoo la saadaalinayo in berito uu dagaal dhexmaro dhor maleeyshiyo oo lasheegayo inay isku uruursanayaan meesha lagu magacaabo Jooga cadde oo dhinaca bari kaga toosan magaalada Laascaanood iyo ciidama Qaranka Somaliland oo iyagu wacad ku maray inay soo taabtaan xadka ugaadhsadaana maxaysatada maleeshiyada majeerteeniya.
Somalilandembassy.com/Laascaanood




