war wuxu fulaysanaa oo beenbadanaa,
LA: XOG URUURIN XAALADA & KHASAARIHII DAGAALKA, TELEFOONADII HARGAYSA LAGA JARAY IYO WALIBA Kooxaha Al-Shabaab Waqooyi ...
2. Octtober 2007
Daabaco warkaan
APL
Laascaanood (AllPuntland)- Ka dib markii dagaalo qaraar oo ay soo qaadeen ciidamada Somaliland ka bilowdeen deegaano kuyaala Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada Laascaanood shaley ayaa magaaladu noqotey meel aan wanaagsaneyn oo xabado xoogan ka dhacayeen.
Magaalada ayaa saaka dagen inkastoo Koonfurta magaalada ay joogaan Maleeshiyaadkii beeleedyadii taageersanaa maamulka la baxay Somaliland ayadoo ay haatan ka cabsi qabaan dagaal kaga yimaada Shacabka Magaalada Laascaanood.
Wariyaasha magaalada Laascaanood u jooga ayaa AllPuntland u sheegaya in xaaladu degan tahay , dhinaca Jiidaha wariyaashu waxa ay ka gaabsanayaan in faahfaahin dheeri ka bixiyaan waxyaabaha ka socda ayadoo la xaqiijinayo in aysan socon wax dagaal laakiin cabsi amuurtaasi si aad ah looga dareemayo Jiidaha dagaalka.
Khasaarihii uu geystay dagaaladii shalay ka dhacay Waqooyiga Magaalada ayaa dhinaca Somaliland ay kaga dhinteen ku dhawaad 10 Askari ayadoo degmada Caynaba la geeyey dhaawaca 13 Askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland ayadoo warar hoose sheegayaan in Dhimashadu intaasi ka badan tahay.
Dhinaca Puntland khasaaraha dagaaladii shalay ka soo gaaray ayaa dhimashada ay dhan tahay sida wararka xog ogaalka sheegayaan 3 Askari oo ku dhintay dagaal ,ayadoo Gawaari dagaal oo isku dhacday gudaha magaalada ay ku dhinteen 5 Askari oo ka tirsan ciidanka daraawiishta Puntland halka dhawaacyo gaaraya 12 la geeyey Cusbitaalka Laascaanood.
Xukuumada Puntland ayaa sheegtay in ay gubeen Gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ciidamada maamulka la baxay Somaliland iyo Kooxaha ka barbar dagaalamaya ee Al-Shabaab oo ka soo jeeda asal ahaan maxkamadihii Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya lagaga adkaaday, halka dhinaca Maamulka gobalada Waqooyi Galbeedna ay sheeganayaan guulo ku aadan dagaalkii Shaley.
Wararka aan ka helayno magaalada Laascaanood ayaa xaqiijinaya in ciidamada Puntland ay gaareen gurmadyo xoog leh oo ka soo kala ambabaxey magaalooyinka Gaalkacyo ,Garoowe iyo Boosaaso ay gaareen jiidaha hore habeennimadii xalay.
Isgaarsiinta xagga telefoonada magaalada Laascaanood ayaa go'an, sidda la sheegay markii Maamulka Somaliland ay amar ku siiyeen Shirkadaha Isgaarsiinta in ay xiraan dhamaanba Telfoonada ayadoo waliba laga jarey Khadadka dhinaca Hargeysa, sidda shirkada Telesom oo fadhigeeda ugu weyni yahay magaalada Hargeysa ee maamulka la baxay Somaliland, xiligaan ma jiraan wax isgaarsiin ah oo waqtigan ka shaqeynaya magaalada Laascaanood, marka laga reebo Isgaarsiinta Fooniiyaasha ama Raadiyaasha loo yaqaano Hallow-Hallow-ga, qalabkaan oo suura galin kara kaliya in ay is la hadlaan gudaha Soomaaliya.
Isla xaleyna waxaa Magaalada Laascaanood tagey Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Xasan Daahir Maxamuud iyo wafuud uu hogaaminayo ,kuwaasoo kulamo la yeeshay Isimada gobalka Sool isla markaana booqdey Jiidaha dagaalka ee ay joogaan ciidamada Puntland.
Isku soo wada duuboo xiisadahan dagaal ee ka socda gobalka Sool ayaa siweyn loogu dhegtaagayaa Magaalooyinka Puntland oo dhan, dadweynaha Waqooyi Galbeed ee Soomaaliyana ayaa walaac xoogan ka muujinaya dagaalada ay wadaan Isbaheysiga maamulka la baxay Somaliland iyo kooxaha Al-Shabaab faracooda Waqooyi Galbeed, Soomaaliya !
Faarax C/qaadir Geylan
AllPuntland.com





