Postby SLEW_DEM » Tue Oct 02, 2007 6:44 pm
Laascaanood}3.10-7
Gudoomiyaha gobolka Sool , Ibraahin Jaamac Daad ayaa sheegay in puntland ay gebi ahaanba gacanta ku hayso dhamaan magaalada laascaanood isla markaan aysan waxba kajirin warar uu ku tilmaamay inay been abuur yihiin oo kasoo baxaya dhanka somaliland wuxuuna gudoomiyuhu , eedeyn u jeediyay maamulka labaxay Somaliland.
Mr. Daad ayaa waxaa uu tilmaamay in dagaalkii shalay ciidamada puntland ay kula galeen magaalada Laascaanood, ciidamada kasoo horjeeda ee maamulka iskumagacaabay Somaliland in ciidamadaasi ay garab siinayeen xubno argagixiso, sida uu carabka ku dhuftay.
Waxaa soconaya dhaq dhaqaayo ciidan oo u dhaxeeya Maamulada Somaliland iyo Puntalad, iyadoo dhanka kalena maamulka Somaliland uu beeniyey eedeymo kaga yimi dhanka Puntland, ee ahaa in argagixiso ay ka barbar dagaalamayso Somaliland.
Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa ayaa sheegaya in iya Melles Zenawi uu fariimo u soo kala diray Madaxweynayaasha maamulada Somaliland iyo Puntland Daahir Rayaale Kaahin iyo Jen. Cadde Muuse Xirsi, .
Waxaa arintani ay qeyb ka tahay ayaa la leeyahay dadaal nabadeed oo Melles ku doonayo inuu ku dhexdhexaadiyo labada dhinac, lamana oga illaa hadda in casuumadaasi ay aqbaleen iyo in kale, balse waxaa hubanti ah inay Taliska Itoobiya ay xidhiidh wanaagsan la leedahay labada maamulba .
Xiisado dagaal iyo dhiilo colaadeed oo cirka isku sii shareereysa ayaa laga dareemayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo deegaanada ku xeeran ka dib dagaal qadhaadh oo ka qarxay deegaanka Abeesaale oo ilaa 16-Km wax ka yar u jira magaalada laascaanood kaasoo u dhexeeya ciidamada labada maamul ee Puntland iyo Somaliland oo mudooyinkana isku hor fadhiyey deegaano badan oo ka tirsan sool
Waxaa xidhan goobaha ganacsiga, iyadoo dadweynaha magaalada Laascaanoodna ay bilaabeen iney guryahooda ka barakacaan sababo la xidhiidha in dagaalka ka socda hareeraha magaalada uu ku soo fido gudaheeda oo ka dibna ay ka soo gaadho waxyeelo, .
Gudoomiyaha gobolka Sool ee maamulka Puntland Ibraahim Jaamac Daad ayaa sheegay in Puntland ku sugan yihiin meel ilaa 10-km waqooyi ka xigta magaalada Laascaanood oo difaacna ay ka galeen, wuxuuna meesha ka saaray sheegasahada Somalialnd ee ah iney qabsadeen Laascaanood, wuxuuna sheegay in magaalada ay weli gacanta Puntland ku jirto oo isla markaana ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland, wuxuuna ku eedeeyey Somaliland iney dagaalkasi u soo adeegsatay wax uu ugu yeedhay Kooxo argagaxiso ah oo xidhiidh hoose uu ka dhexeeyo.
Sidoo kale waxaa ka hadlay dagaalada laascaanood Taliyaha ciidanka Booliska puntland Cabdi casiis Saciid Gacamey oo sheegay inay dagaalka lug weyn ku leeyihiin kooxda Al-shabaab oo kamid ah garabka hubaysan ee maxaakiimta
Si kastaba ha ahaatee wali waxaa is horfadhiya ciidamada labada dhinac iyadoona laga cabsi qabo in ay markale isku dhacaan.
Isgaadhsiinta magaalada Laascaanood ayaa hawada ka maqan, waxaana taasi ay ka dhigeysaa inaan la'ogolayn in si dhab ah loo ogaado xaalada magaalada iyo qaabka ciidamada ay u joogaan
Jo::Widhwidh Online News Desk..media Center