M/wayanaha Maakhir state oo baaq ugu diray Maamulka S/land&P/land Dagaalka ku dhexmaraya G/Sool
Warkii 04-Oct-2007 iyo Qormadii: Maxamed Axmed Ciise
Madax waynaha Maamul gobleedka Makhir state Of Somaliya Mudane Jibriil calisalaad ayaa Baaq u soo jeediyey Maamulka lamagac baxay Somaliland iyo Maamulgoboleedka Puntland oo
Dhowaanahaba ku Herdamayey Gacan ku hayta iyo sheegashada Gobolka Sool ee Magaalada laascanood waxaa uu ku baaqay Madax wayne Jibriil cali salaad in laga taliyo Nabadgelyada iyo Xisiloonida Dalka madaama aan waqigan hada la joogi loo baahnayn Dagaalo iyo Dhibaato dib uga soo cusbaanaata Dalalka iyo dadka Xaqdhowrka iskule ee Deriska ah,
Madax waynaha Maamulka Maakhir state of Somaliaya waxaa uu si wadani nimo ku dheehantahay oo naxariisle uga Codsaday Maamulada Puntland iyo Somaliland inay joojiyaan gebi ahaanba Colaada iyo dagaalka ay ka wadaan Magaalada laascanood iyo Gobolkla sool waxaan Madax waynuhu uu Ka codsaday Shacabka soomaliyeed isimada waxgaradka dhalinyarada iyo Ururada Rayadka ah inay tixgelinayaan nabadgelyada oo ah buu yiri Shay qaaliya oo aan la heli karin,
Madax waynaha oo ku sugan Degmada Xingalool ee Gobolka sanaag ee Maamulka maakhir state ayaa Carabka ku dhufatay isgoo ku hadlay Magaca Maamulka makhir state in dowlada Federalka ah oo Maamulka makhirsate hoostimado la tageero iyadoo dowladuna ay ka shaqaynaso xasiloonida iyo dib u soo celinta Hanaanka Qaranka Somaliyeed.
Mudane Jibriil cali Salaad Madax wayanah DG MSS ayaa sheegay oo ku soo celceliyey in aan loo baahanay dhig data iyo Dagaalo Dib uga bilaabma Gobolada dalka Soamaliya waxaana uu madax waynuhu shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay Maamulkiisu wax kasta oo ay ku jirto dantra Umada Somaliyeed.
Maxamed Axmed Ciise
Bosaso Somaliya
Geedi7@hotmail.com



