Geedi And His Cabinet Fired By Parliment. 12/10/2007 Is Their Last day.
Muqdisho: Xukuumada Geedi oo dhaceysa Waa Maxay sababtu? Maxayse Hay'ada Sharci dajinta ka tiri?.
4. October 2007
Muqdisho(AllPuntland)- Xukuumada waqtigan ee uu hogaamiyo raysal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa dadka Sharciga falanqeeya sheegayaan in ay dhaceyso 13-Bishaan.
Dhicitaanka Xukuumadan ayaa wararku sheegayaan in ay tahay mid Sharci ah,maadaama Xukuumada Cali Maxamed Geedi ku guuldareysay soo qorida Dastuurka dalka Soomaaliya lugu dhaqayo iyo qaadida Afti guud oo laga qaado Umada Soomaaliyeed.
Xukuumadan ayaa wararku sheegayaa in dhamaanba ay ku guuldareystay qodobadaasi isla markaana ay sidoo kale buuxsantey 3-dii sanno ee looga baahnaa in ay howlahaasi ku fuliso.
Sharci yaqaano sare ayaa AllPuntland usharaxey in arintan ay keeni karto is qabqabsi dhinaca Dastuurkaa isla markaana Hay’adaha Dastuurku ku xalin doonaan habka Dastuur.
Sharciyaqaanadu waxa ay leeyihiin raysal wasaaraha hada jira xilka kuma soo laaban karo ,taasna waxaa loo sababeynayaa ayadoo labo jeer oo hore la soo magacaabay ,mar sadexaadna aan lasoo magacaabi Karin.
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa wasiirada ka codsaday ansixinta qodobka ah in raysal wasaaraha banaanka laga soo dooran karo ayadoo wasiiradu aan la aqoon in ay qodobkaasi ansixiyeen iyo in kale.
Xukuumada Cali Maxamed Geedi ayaa walaac xoogan ka muujineysa arintan ayadoo waqtigana ay ka dhiman tahay 9 beri ayadoo raysalwasaaruhu xusul duub ugu jiro arintaasi inkastoo Sharciga dowlada Soomaaliya uusan qabin in raysal wasaaraha waqtigan uusan soo noqon oo uusan noqon raysal wasaare Cusub.
Hay’ada Sharci dajinta dalka Soomaaliya ama baarlamaanka ayaa siweyn arintan u hadal haya waxa ayna sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya ay ka dhowrayaan soo magacaabida raysal wasaare Cusub oo ay Xukuumadiisa ansixiyaan.
Prof: Maxamed Cumar Dalxa ayaa AllPuntland usheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay og yihiin arintaasi taheyna 13-Bishan ayna wax walba ugeeyaan Sharciga ay ku dhisan tahay dowlada Soomaaliya.
Soomaalida oo dhan waxa ay indhaha ku heysaan Masraxa Siyaasada ee Soomaaliya waqtigan halka uu saldhiganayo iyo sida loo maareeyo Dhacida Xukuumada Prof: Cali Maxamed Geedi.
Faarax C/qaadir Geylan
AllPuntland




