[quote="Advocatar"]I told you about this few days ago and you didnt believe me, matter fact you even praised Geedi, it shows how serious you are about TFG?.
[/quote]
Geedi couldn't get the job done and that is a major probelm. The guy has come a long way but came short at the end what could I do. The Somali parliment has spoken.
1700 AU troops to arrive in Mogadishu soon
Burundi oo Ciidamo u soo diraysa Soomaaliya
Dowladda Burundi ayaa sheegtay in Ciidamo ka socda dalkeeda ay dhawaan soo gaarayaan dalka Soomaaliya iyadoo hore Magaalada Muqdisho ay u joogeen Ciidamada dalka Uganda
Ciidamo ka socda wadanka Burundi ayaa waxaa lagu wadaa in la soo gaarsiiyo dalka Soomaaliya kuwaas oo tababar lix asbuuc ah oo u soconayay uu u soo gabagaboobey maalinimadii shalay.
In ka badan badan boqol tabarayaal ah oo katirsan saraakiisha sar sare ee wadanka Mareykanka ayaa waxaa ay maalinimadii shalay tababar soconayay muddo dhan 6 asbuuc ah u soo xireen Ciidamo gaaraya 1700 oo askari oo burudiyaan ah kuwaas oo lagu tababarayay xerada Camp Gakumbu ee dalka Burundi.
Madaxa difaaca xoogaga Ciidamada qaranka Burundi General Major Samuel Gahiro,ayaa waxaa uu mahad balaaran u celiyay dowladda Mareynka oo uu sheegay in qeyb lixaad leh ay ka qaadatay tabarka Ciidamadaan isagoo sidoo kale ku amaanay Ciidamada Burundi in ay gacan siiyaan wadanka kale si nabad ay ugu soo dabaalaan.
Lama sheegin xiliga kama dambeysta ah ee Ciidamada Burundi ay soo gaarayaan dalka Soomaaliya maadaama ay jiraan qalab farsamo oo wali Ciidamaasi ka dhiman.
Dowladda Mareykanka ayaa balan qaaday in ay Ciidamadaan burundii ka saa cidi doonto dhinaca qalabka isgaarsiinta,iyadoo sidoo kale dowladda faransiisku ay iyana balan qaaday in Ciidamadaasi ay ka taageerayso sidii Soomaaliya ay ku soo gaari lahaayeen.
Ciidamada Burundi ee lagu wado in lagu soo daabulo wadanka Soomaaliya ayaa waxaa awal horey dib u dhac uu ugu yimid bishii July ee sanadkaan sababo la xariira dhinaca isgaarsiinta iyo diyaaradihii keeni lahaa wadanka Soomaaliya.
Toban ka mid ah saraakiisha sar sare ee dowlada Burundi ayaa waxaa ay socdaal gaaban ku yimaadeen Magaalada Muqdisho intii lagu jiray bishii agoosto kuwaas oo u kuur galay sida Ciidamada Burundi ay dalka Soomaaliya oo dagaalo ay ka dilaaceen ay u soo gaari lahaayeen.