
Allahu Akbar
Gabal gaabkii galabta oo dagaal faraha looga gubtay uu ka dhacay xaafada Gubta iyo ciidamo Itoobiyaan oo lagu qabsaday dagaalkaasi
Muqdisho
Dagaal xoogan oo faraha looga gubtay ayaa galabta gaabal gaabkii ka dhacay deegaanka Gubta qaasatan xaafada Ciisa Cabdi iyadoona dagaalka bilaawday kadib markii ciidamada Itoobiya ay dileen yar yar oo lagu magaacbo ina Salaad Goobaay taana waxay keentay in ay shacabkii ay kacaan qoryahoodiina ay guryaha kala soo baxaan ,
Dagaalka oo leysku fara saaray markii hore Buurta Ciise Cabdi ayaa ciidamada Itoobiya ayaa loo soo bursaday dhinaca laamiga Ifka Xalane iyadoona wararkii ugu danbeyena ay sheegayaan in la dilay Dhowr Itoobiyaan ah oo aan lagaraneynin tiradooda iyadoona la sheegay in laga qabsaday Askar kamid ah Ciidamada Itoobiya waloow ay cadeen halka lala aaday
Dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay ka qaxaan deegaanadooda cabsi ay ka qabaan in bari dagaal rogaal celin ah ay soo qaaadaan ciidamada Itoobiya oo galabta kala kulmay deegaankaasi iska caabin xoogan wali waxaa kacsan dareenka shacabka Gubta kuwaa oo ku dhawaaqayo ninkii dhoof ku yimidbaa Geeridi dhibeysaa waqtigii dhamaayo wuu dhaqaaqi doonaa iyo erayo kale oo aan u rooneen in ay ku dhacaan dhagaha gumeysiga gaanuuray ee Itoobiya



