Nin boliiska Kenya u qabteen qaraxii Nairobi oo sheegtay inuu ka mid yahay saamileyda Xawaaladda Tawakal.
october , 4, 2007 (HawiyeNews.com)Axmed Xersi Faarax oo ah Somali 40 jir una dhashay beesha Mareexaan ayey Ciidamada boliiska Kenya su-aalo ka waydiinayeen qaraxii kol hore ay dadka badan ku dhamaadeen ee ka dhacay agagaarka Hotel Ambassador Nairobi Town.
Xersi oo mudo sedex bilood ka badan lagu sameeynayay baaris ayaa sheegtay inuu ka mid yahay Saamileeyda Xawaalada Tawakal hasse yeeshee Soomaalida Islii ayaa qiray inuu ka shaqeeyn jiray Tawakal Bank Xarun suuq madoow Xawaaladeed ay ku leedahay.
Boliiska Kenya ayaa baaris ay sameeyeen waxay ku ogaadeen in Axmed Xersi Faarax uu mudo halsano ah ku maqnaa Dubai,uuna ka shaqeeynayay Xawaalada Tawakal .
waxayna sidoo kale hoosta ka xariiqeen inay xilligaas baasaboorka uga reebteen garoonka Jomma Kenyatta.
Axmed Xersi Faarax oo heystaa Baasaboorka Kenya ,lama hubo wali inay sheegashadiisa Xawaalada Tawakal sax tahay iyo inkale,waxayse boliiska qaarkood dimbi weyn u arkeen,sheegashada Axmed ee la xiriirta in Tawakal Bank Xarun ku leedahay Nairobi,maadama Xawaaladaha uga shaqeystaan qaab suuq madoow ah.
Dabagalka u biloowday Xawaalada Tawakal ayaa laga cabsi qabaa inuu saameeyn ku yeesho,maadama ay tahay markii ugu horeysay ee nin lagu eedeynayo qaraxyo uu sheegto saami weyn inuu ku leeyahay Tawakal.
Abukar Abdi Socdal
socdaalyare@hotmail.co.uk
Kampala -Uganda






