Salam alaikum
http://www.horseednet.com/horseednet.php?id=8743
A SIGN!!!!
Tuulo ku taal Sucuudiga oo la sheegay in laga arkay calaamada Laylatul qadriga
Last Updated::2007-10-08 11:49:09
Riyad (HRNet):-Sida ay maanta soo qortay Al-arabiya.net waxaa dad goob joogayaal ah oo ku sugan tuulo ku taal dalk Sucuudiga ay sheegeen in
ay arkeen calaamada Laytalul qadriga taas oo ahayd in samada ay bixisay iftiin aad u xoog badan kaas oo gebi ahaanba iftiin ka dhigay tuuladii ay ku noolayeen habeenimadii Jimcadii aynu soo dhaafnay.
Shalii Almudiiri oo ka mid ah goob joogayashi arkayay iftiinkan isla markana wakiil ka ah maamulka degaanka ee tuulada Hijrit Mishlax ee u dhaw magaalada Al-ardawiya oo 330 Km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Riyaad waxaa uu sheegay in xilli uu ka soo baxayay aqalkisa habeenkii Jimcada uu arkay iftiin khafiif ah oo ka imanaya dhinaca cirka.
Wax yar kadib na uu dhulka kaahiyay iftiin aad u og badan kaas oo ka dhigay wax kasta oo ku sugnaa hareerihiisa mid u muuqda sidii maalin cad oo kale.
Sidoo kale Bandar Bin dayfi Allah oo ka mid ah goob joogayashii ayaa waxaa uu sheegay in arkay iftiin xoog badan oo hareeyay tuulada oo dhan 12 kii habeenimo waqti uu ku jiray gudaha gaariigiisa.
Iftiinkas oo u suura geliyay inuu arko caruurtiisi oo ku sugnaa gadaasha gaarigiisa sidii maalin oo kale.waxaa uu sheegay inuu marki hore u maleeyay iftiinka gaari kale oo gaadashoda soo socda, hase yeeshee waxaa uu sheegay in caruurtisi ay u sheegeen in iftiitnku uu ka yimi dhinaca samada,
Waxa uu sheegay inuu dabadeed u maleeyay in roobab ay jiraan balse markii uu fiiriyay samada uu arkay in samadu ay furan tahay oo xidigo mooyaane wax kale aysan muuqan.
Dad fara badan oo ku nool tuulada Hijrit Mishlax ayaa iyaguna sheegay in ay arkeen iftiinkan.
Waxana uu sheegay in sidoo kale duqayda tuulada ay u sheegeen in iyaguna ay arkeen iftiinkan.
Sheekh Cabdul Muxsin Al-cabiikan oo xubin ka ah golaha shuurada isla markana ah la taliyaha dhinaca gar soor ka ah ee wasaarada garsoorka ee dalka Sucuudiga ayaa waxaa uu sheegay in iftiinka ka soo baxa dhinaca Samada kaas oo aysan sabab u ahayn hilaac ama hanqarka loo arko mid ka mid ah calaamadaha laylatul qadriga kaas oo quraanka lagu sheegay inuu ka khary bada yahay kun bilood sida uu shalay Axadii ka soo xigtay wargeyska Al-watan ee ka soo baxa Sucuudiga.
Faysal wakaalad
wakaalad@hotmail.com
HorseedNet.com





