Ciidamada federaalka itoobiya oo ku qalabaysan gawaadhida Dagaalka ayaa soo degay magaalada Buuhoodle subaxnimadii saaka waxaaana ay kulan ay la yeesheen waxgaradka deegaanka ay itoobiyaanku sheegeen inay si rasmi ah u soo degeen Buuhoodle ayna u yimaadeen sidii ay ammaanka u adkayn lahaayeen.
Ciidamadan oo tiradoodu ay aad u badan tahay ayaa soo degay magaalada buuhoodle dhinaceeda koonfureed oo ah deegaanka ka tallowsan xuduuda, mana jiraan warar intaas ka baxsan oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Itoobiyaanka horkacaya.
Sida la ogyahay imaatanka ay ciidamada itoobiya soo degeen Buuhoodle waxa uu ku soo beegmay 24 saac wax ka yar ka dib markii ay fashilmeen wadahadaladii nabadeed ee maamulada PL & SL uga socday magaalada addis-ababa.
Buuhoodlemedia.com




