Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

BREAKING NEWS ICU MEREHANS BOMB ATTACK IN KISMAAYO

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS ICU MEREHANS BOMB ATTACK IN KISMAAYO

Postby Hiiraan boy » Wed Oct 10, 2007 7:39 am

they missed it. it was for foreman of garoonka diyaarada but he wasnt in his car.

Labo ruux oo ku geriyooday qarax ka dhacay Kismaayo, iyadoo dhaawac uu soo gaaray Afhayeenka beesha Sade

Click here to find this article in English
Shabelle airs news in English
Mogadishu 10, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- Labo ruux ayaa ku geeriyootay 9 kale oo uu ku jiro afhayeenka beesha Sade, Xasan Max'ed Cali (Xasan Dheere) waa ay ku dhaawacmeen qarax xoogan oo saakay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo.

Qaraxaan oo dhacay saakay abaaro 9:30 am ayaa loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay oo sida la sheegay qaraxday xilli halkaasi uu maray gaari uu saarnaa afhayeenka beesha Sade iyo dad kale oo la socday Sida uu Shabelle u sheegay Goobjooge la yiraahdo Max'ed Axmed Aadan.

Qaraxaan oo si weyn looga maqlay ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Calanleey gaar ahaan agagaarka Dhismaha Somali Star, iyadoo qaraxaasi lala bartilmaameedsanayay gaari uu lahaa maareeyaha garoonka kismaayo oo uu saarnaa Afhayeenka beesha Sade.

Labada ruux ee ku geeriyootay qaraxaan ayaa waxa ay ahaayeen dad rayid ah oo marayay wadada xilliga ay qarxeysay miinada halka 9 ka kale ee ku dhaawacmay qaraxaan ay ahaayeen dad goobtaasi marayay iyo dad saarnaa gaariga uu saarnaa Afhayeenka beesha Sade.

Maamulka magaalada Kismaayo ayaa ku tilmaamay qaraxaan in uu ahaa mid masiibo ah, isla markaana uu soconayo baaritaano ku aadan arintaan sida uu Shabelle u sheegay K/xigeenka guddomiyaha degmadaasi Sandheere.

Arintaan ayaa waxa ay saameyn ku yeelatay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo, iyadoo hadal heynta ugu badan ee magaaladaasi ay tahay maanta qaraxaan.

Waa markii ugu horreysay oo qarax loo adeegsado Miino uu ka dhaco magaalada Kismaayo inta la og yahay tan iyo markii ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Ethiopia ay kala wareegeen maamulka magaalada xoogaggii maxaakiimta islaamka horraantii sanadkaan, inkastoo qaraxyo kale oo bam gacmeedyo ah ay ka dhaceen halkaasi.

Bilooyin ka dib magaalada Kismaayo waxaa la wareegay maleeshiyaad ka soo jeeda beesha Sade ka dib markii ciidamadii dowladda ay u kala safteen labo beel, iyadoo ciidamadii ka soo jeeday Puntland halkaasi ee ku heybta ahaa Madaxweyne C/laahi Yuusuf Halkaasi looga awood roonaaday.

User avatar
Nabeela
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 23409
Joined: Mon Jan 02, 2006 4:56 pm

Re: BREAKING NEWS ICU MEREHANS BOMB ATTACK IN KISMAAYO

Postby Nabeela » Wed Oct 10, 2007 7:43 am

Meel naga fadhiiso, doqon yahow, Icu Marexaan bomb Kismayoo kulahaa, saas baad jecshaya, I bet.

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Re: BREAKING NEWS ICU MEREHANS BOMB ATTACK IN KISMAAYO

Postby Hiiraan boy » Wed Oct 10, 2007 7:56 am

Weerar miino loo adeegsadey oo lala bartilmaamsaday Baabuur uu saarnaa Afhayeenka Beesha Sade Xasan Dheere

Kismaayo:-2 qof ayaa ku geeriyootay 9 kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii saaka qarax xooggan lala beegsaday gaari uu sarnaa Afhayeenka beesha Sade oo marayey xaafada Calanley ee Magaalada Kismaayo.

Qaraxaan ayaa waxaa la rabay in lagu khaarajiyo Maareeyaha garoonka diyaaradaha Magaalada ee Kismaayo oo lagu tuhunsan yahay in uu ka danbeeyey dilkii 2 wadaad oo lagu khaarajiyey Magaalada Kismaayo.

Gaariga la bartilmaamsadey ayaa waxaa iska lahaa Maareeyaha garoonka diyaaradaha walow uusan la soco marka qaraxu uu qabsaday .


Gaariga Maareeyaha garoonka diyaaradaha ayaa waxaa la socday Afhayeenka Beesha Sade ee Magaalada Kismaayo Xasan Dheere oo uu dhaawac ka soo gaaray qaraxaas.

Dadka dhintay ayaa waxaa ay u badan yihiin dad rayid ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay oo dhamaantood marayey meel u dhow goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamada gacanta ku haya magaalada Kismaayo ayaa yimid goobta uu qarax uu ka dhacay iyagoo xiray wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Kismaayo
iyadoo la arkayey dadka Magaalada Kismaayo oo u soo daawasho tegay goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay qaraxaas inay ka danbeeyaan balse waxaa jiray baryahaan digniino ay dirayaan 2da beel ee ay ka dhasheen Wadaadad lagu dilay Magaalada Kismaayo ,iyadoo sidoo kale ay digniino culus ay direen Wadaadada ku sugan J/hoose Beesha Sade ee gacanta ku haysa magaalada Kismaayo in ay soo qabtaan Maleeshiyadkii ka danbeeyey dilka 2da wadaadada
haddii kale talaabo adag ay ka qaadi doonaan maleeshiyaadka fulisay dilka oo ay garanayaan.

Halgan.net
Burhaan Cali
Kismaayo

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Re: BREAKING NEWS ICU MEREHANS BOMB ATTACK IN KISMAAYO

Postby Hiiraan boy » Wed Oct 10, 2007 7:59 am

Qarax xoogan oo sababay dhimashada labo ruux oo goor dhoweyd ruxay Magaalada Kismaayo

Laba ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay 14 kalena waa ay ku dhaawacmen kadib marki qarax miino goor dhaweyd uu ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose,iyadoona dhaawaca qaarkiis xaaladiisa laga deyrinayo.

Warar aanu ka heleyno ayaa ka heleyno ayaa sheegaya in qaraxasi uu ka dhacay Xaafadda Calanleey isla markaana lagu beegsaday kolonyo gawaari ah oo ay la socdeen odayaasha beelaha Sade.

Qaraxan ayaa ahaa mid lala beegsanayay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo, iyadoona maareeyuhu uu ka bad baaday isku daygaas dil

Goob jooge ku sugan magaalada Kismaayo ayaa xaqiijiyay in Afhayeenka beelaha Sade Xasan Dheere uu kamid ahaa dadkii halkaasi ku dhaawacmay isla markaana gaarigiisa uu ahaa kii qaraxa lagu beegsaday.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa iminka aad u kacsan iyadoona ay dadka muujinayaan sida ay kaga xun yihiin dhibaatadii ka dhalatay qaraxaasi iyagoona canbaareeyay kooxihii ka danbeeyay oo wali aan la ogeen.

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Re: BREAKING NEWS ICU MEREHANS BOMB ATTACK IN KISMAAYO

Postby Hiiraan boy » Wed Oct 10, 2007 8:04 am

Qarax Miino oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo saaka ka dhacay xaafada Calanley ee magaalada Kismaaayo
(Afhayeenkii beesha Sade oo ka mid noqday 10 ruux oo ay dhaawacyo soo gaareen)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in barqonimadii maanta uu Qarax aad u weyn ka dhacay xaafada Calanley ee degmadaasi Kismaayo.

Qaraxan ayaa la sheegay in lala beegsanayay kolonyo gaadiid ah oo uu saarnaa mas'uuliyiin uu ka mid ahaa maareeyaha garoonka diyaaraddaha ee magaaladaasi Kismaayo iyo xubno kale, iyadoo qaraxaasina ay ku dhaawacmeen illaa 10 ruux oo isugu jirtay rayid, mas'uuliyiin iyo doayaal ka tirsan beesha Sade.

labo ruux ayaa sidoo kale la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen qaraxaasi Miino, waxayna ahaayeen dadka geeriyooday dad rayid ah oo ka agdhowaa goobta qaraxa oo aheyd meel si weyn ay dadku u dhoobnaayeen kuna taala xaafada Calanley ee degmadaasi Kismaayo.

Sidoo kale, dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ahaa afhayeenka beesha Sade Xuseen dheere, halka 9-ka kalena ay ahaayeen dad rayid ah, waxaana la dhigay isbitalka magaaladaasi Kismaayo oo haatanba lagu dabiibayo.

Qaraxa kadib ayaa waxaa la tilmaamay inay goobtaasi soo buux dhaafiyeen ciidamada ammaanka magaaladaasi Kismaayo oo iyagu ku sugnaa duleedka magaalada, waxaana haatan la soo sheegayaa in xaaladda magaaladu ay aad u kacsan tahay, ayna dhacayaan Rasaas ay dhinac walba u ridayaan ciidamadaasi amniga.

User avatar
Shirib
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 26911
Joined: Thu Oct 04, 2007 3:50 am
Location: May God grant us victory.

Re: BREAKING NEWS ICU MEREHANS BOMB ATTACK IN KISMAAYO

Postby Shirib » Wed Oct 10, 2007 10:59 am

Mogadishu 10, Oct.07 ( Sh.M.Network)- Two people are killed and nine others including the spokesman of the Sade tribes were wounded in a big explosion which convulsed some parts of the southern port town of kismayu. The spokesman, Chief Hassan Mohamed Ali sustained minor injuries.

This blast was a buried road side land mine and it when off as the car which the spokesman was driving in passed as an eyewitness by the name Mohamed Ahmed Adan told Shabelle radio this morning. The incident occurred at around 9:30 local time and the actual place the event happened is around Somali star building.
Kismayu administration called the incident a disaster, and investigations are underway as the deputy district commissioner Mr. Sandere told Shabelle radio.

The issue of this explosion effected the movements of both the vehicles and the people of Alanley a section in kismayu and the news point today in the town is this explosion and its aftermath.


It is the first time the sound of a land mine blast to be heard since the government with their ally Ethiopians conquered the port town of kismayu from the Islamic courts union.

The town is under the control of Sade tribe after government troops segregated themselves into sub clans.


Shabelle Media Network Somalia


Who was the bombing targetting? Did they say who were in the cars other then their spokesman.

User avatar
Luq_Ganane
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7849
Joined: Tue May 22, 2007 10:17 am

Re: BREAKING NEWS ICU MEREHANS BOMB ATTACK IN KISMAAYO

Postby Luq_Ganane » Wed Oct 10, 2007 11:12 am

This is just part of the aftermath of the killing of the two wadaado who were well respected in the city. Things will be back to normal after the council meets and takes action.

User avatar
QansaGabeyle
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14164
Joined: Wed Feb 27, 2002 7:00 pm
Location: Beled Xawo, Somalia
Contact:

Re: BREAKING NEWS ICU MEREHANS BOMB ATTACK IN KISMAAYO

Postby QansaGabeyle » Wed Oct 10, 2007 2:01 pm

I don't if this actually happened as the article says but I am sure 100% that no marexaan would ever do such even if he was a crazed al itixaad sympathizer. I am confident whoever was behind this was be found and punished rightly.

User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Re: BREAKING NEWS ICU MEREHANS BOMB ATTACK IN KISMAAYO

Postby DawladSade » Wed Oct 10, 2007 2:11 pm

Heads will roll for this.

xoogSADE14
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14602
Joined: Wed Oct 27, 2004 4:08 pm
Location: Praying for peace in the south.

Re: BREAKING NEWS ICU MEREHANS BOMB ATTACK IN KISMAAYO

Postby xoogSADE14 » Wed Oct 10, 2007 2:34 pm

Hadeey dantooda yaqaanaan taas meeysan sameeyeen.

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Re: BREAKING NEWS ICU MEREHANS BOMB ATTACK IN KISMAAYO

Postby Hiiraan boy » Wed Oct 10, 2007 2:36 pm

wadaada merehanka juboyinka kacdoon bey meeshas ka wadaan

xoogSADE14
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14602
Joined: Wed Oct 27, 2004 4:08 pm
Location: Praying for peace in the south.

Re: BREAKING NEWS ICU MEREHANS BOMB ATTACK IN KISMAAYO

Postby xoogSADE14 » Wed Oct 10, 2007 2:41 pm

Mareexaan arintan ma sameeyn, cida ka dambeeysana toban toban ayagoo loo tooganaayo waad maqli doontaa.

Terrorism will not deter the determination of the citizens of Jubbaland State.

sadeboi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11690
Joined: Wed Jun 02, 2004 7:00 pm
Location: Reer Siyaad Ugaas

Re: BREAKING NEWS ICU MEREHANS BOMB ATTACK IN KISMAAYO

Postby sadeboi » Wed Oct 10, 2007 2:43 pm

[quote]Terrorism will not deter the determination of the citizens of Jubbaland State.[/quote]

up somalia


Hiiraan, unfortunately waxaad radineysid halkaan kuma taallo; MAREXAAN MAANTA WAA MID wadaad iyo nin kalabo. Cool

User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Re: BREAKING NEWS ICU MEREHANS BOMB ATTACK IN KISMAAYO

Postby DawladSade » Wed Oct 10, 2007 2:44 pm

Hiiraan, Marehan wadaado have no history of this.

Just by reading the reports, I know what clan did it. They are the ones to whom the killed belonged to and it happened in the one district in Kismaayo they used to live.

User avatar
Luq_Ganane
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7849
Joined: Tue May 22, 2007 10:17 am

Re: BREAKING NEWS ICU MEREHANS BOMB ATTACK IN KISMAAYO

Postby Luq_Ganane » Wed Oct 10, 2007 2:45 pm

Terrorism down

Marehan midnimo up somalia

Jubbaland State. Cool


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot], nnjrewzas112 and 82 guests