[quote]Ciidamo Xoog Leh Oo Ka Yimid Dhinaca Jubbooyinka Oo Soo Gaaray Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo
Aug 25,2007
byBaardheere-Gedo-NN
Waxaa xalay soo gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo ciidamo xoog leh oo sita gawaarida dagaalka ee loo yaqaanno tiknikada, kana yimid dhinaca gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa hor kacayay sarkaal ka tirsanaa lagu magacaabo Maxamuud Cali Shire.
Ciidammadaan ayaa waxaa markiiba la dejiyay degaanka Muuri oo ku yaalla duleedka magaalada Baardheere. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa ciidankaasn soo gaaray degmada Baardheere.
Wararka qaar ay sheegayaan in ay soo dhoweynayaan Xildhibaan Barre Aadan Shire oo dhowaan la filayo inuu Baardheere ku soo noqonayo, waxaa sidoo kale soo yeerayay maalmahaan in ciidamo ay soo degeen degmada Diinsoor ee gobolka Bay.
GEDO-NN-Gedo News Desk[/quote]
http://www.gedonet.com/index.php?news=1837