Abuu Mansuur: Rabshadaha Muqdisho ma dhamaanayaan illaa cadawga laga saara dalka.
Muqdisho, Arbaco, 10 October- 2007 [Radio Simba]
Afhayeenka dhowaan loo doortay Kooxda Al-Shabaab, Sheekh Mukhtaar Roobow - Abuu Mansuur, ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ethiopia ee ay wadaan uu socon doono, illaa ciidamadaasi ay kaga saarayaan guud ahaan dalka Somalia.
Abuu Mansuur, ayaa sidoo kale ku baaqan Jihaad, lala galo ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, iyo guud ahaan Dalka Somalia, isagoona tilmaamay in waxa kaliya ee imminka loo baahan yahay ay tahay in dagaal lagaga hortago ciidamada cawadga ee dalka ku soo duulay, sida uu hadalka u dhigay.
Hadaladan ayuu sheegay Abuu Mansuur, wareysi uu siinayay Wakaaladda Wararka ee AFP, isagoona intaasi siii raaciyay in u jeedka ugu horeeya ee ay u dagaalamayaan ay tahay dib u xoreynta dalka Somalia.
Sheekh Mukhtaar Roobow - Abuu Mansuur, waxaa uu ka mid yahay madaxda hogaamineysa Kooxda la magac baxday Al-Shabaab, isagoona sidoo kale gudoomiye k/xigeen dhinaca ammaanka u qaabilsan ka ahaa golihii Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed.



