Postby LiQaaye_TDH » Wed Oct 10, 2007 1:11 pm
Ilaa iyo dabayaaqadii bilihii aynu soo dhaafnay waxaa dhinaca bari ee Magaalada Berbera ka socday dhoofinta xoolaha Somaliland ah, taas oo ay wadeen sida la sheegay ganacsato is abaabulay oo Reer Somaliland ahi kuwaas oo la sheegay in ay hore codsi ugu gudbiyeen codsigaas oo sheegayey in ay xoolaha Somaliland u dhoofinayaan dhinaca Baxrayn oo ay xidhiidh cusub la soo galeen, halka uu jirey xidhiidh hore oo ganacsade Aljaabiri aya isagana Xukuumada la gashay heshiis, codsigaas hore ee ganacsatada oo sida la sheegay Xukuumada ku gacan saydhay, ka dibna ganacsatadu waxay xoolahooda u adeegsadeen in ay ka dhoofiyaan deked yar oo dabiici ah oo 60KM dhinaca ka xigta Magaalada Berbera dhoofinta xoolahaasi oo nooc walba leh ayaa la sheegayaa in todobaadadii ugu danbeeyey si xoog leh uga dhoofayaan Ceel Garde warar aanu ka helnay ilo ku dhow dhowdhow Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa waxay sheegayaan laash uu ciidanka Mariniinisku leeyahay uu xalay u boqoolay dhinaca Ceel Garde, isla mar ahaantaana ay is haleeleen doon faaruq ah oo ku socota deakkada yare e dabiiciga eh ee Ceel Garde, iyadoo u socotay inay xoolo ka qaado halkaas doontaas oo ay ilaalada xeebuhu soo qabteen, iyagoo u soo jeeda dhinaca dekedda Berbera ayaa masaafad aan aad uga dheerayn haddana ay isku haleeleen ciidan beeleed la sheegay inay ilaaliyaan hantida ganacsatadaas oo iyagu halkaas deegaan ahaan degan, Ciidan beeleedkaasi iyo kooxdii laashka wadatay ayaa sida warku sheegayo ayaa laysu adeegsaday rasaas, Ciidan beeleedkaasi waxay ciidanka xeebaha dib uga furteen doontaas isla mar ahaantaana laashku wuxuu la soo firxaday naakhuudihii doonta oo ay markii horeba ciidanka ilaaladu xeebuhu soo saareen laashka, laashka ayaa soo gaadhay dekeda Berbera isla markaana ku soo xidhay Xerada Ciidanka ilaalada Somaliland, oo iyadu waxyar u jirta dekeda Magaalada Berbera, naakhuudiina laga soo rogay oo uu imika ku xidhan yahay xeradaasi dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ayaa isugu subaxnimadii hore ee doraad u baqoolay dhinaca Ceel Gard, isagoo oo la sheegay in uu u socday sidii u furdaamin lahaa khilaafka xoogan ee dhex yaala ganacsatada iyo xukuumada ilaa abaaro 2:00 Duhurnimo ee shalay ayaa ciidamo boolis ah iyo ciidanka mariiniska xeebaha iyagu u kicitimay dhinaca dekeda Ceel garde, isla mar ahaantaana Wasiirku halkaas ku sugan yahay Ciidamaduna ka dul degeen ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Talaabadan u arkay mid khaldan waxaanu isku dayey in uu ciidankaas ku soo celiyo Berbera, waxaana isla shalay Wasiirku ku soo noqday Magaalada Berbera si uu arintan ugala xaajooda Madaxda Gobalka Saaxil